Sunday, June 8, 2014

Ciidamada Uganda oo ku dawakhay raadinta Soomaali Afar Gaadhi wadata oo Sharci-darro ku galay dalkaas




Kampala, 08 June, 2014 (Himilo)- Dawladda Ugandha, ayaa bilawday inay baafinayso afar gaadhi oo la sheegay inay dad Soomaali ahi saarnaayeen, kuwaasoo sifo sharci-darro ah ku galay dalkooda, isla markaana la sheegay in looga shakisan yahay inay wataan kooxo argagxiso ah, ayaa taarikadoodii lagu baahiyey Warbaahinta waddankaas.


Screenshot_2Booliiska dalka Uganda oo wada hawlgal ay ku baadi-goobayaan afartaa Baabuur iyo dhalinyarada Soomaalida ah ee la sheegay inay saarnaayeen, ayaa baahiyey  lambarradii Gawaadhidaas oo lagu sheegay inay kala ahaayeen GKA 138H, GKA 24A, UN 105K iyo UN 105KP.


Waxa warku intaas ku daray inay Ciidammada ammaanka ee Uganda, gacanta ku dhigeen 8 qof oo Soomaali ah oo uu ku jiro ilmo yar iyo Hooyadii, kuwaasoo ka yimid magaalada Nairobi, kuna sii jeeday Caasimada Kampala ee waddanka Uganda, iyagoo aan wax Baasaaboor ama sharci ah haysannin.


Soomaalida la qabtay oo sifo sharci-darro ah lagu gelinayay Uganda, kana tegay dalka Kenya, ayaa la sheegay inay ku xidhan yihiin Saldhig Boolis ku yaalla magaalada Busia, oo ku taalla xadka u dhexeeya dalalka Kenaya iyo Uganda.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment