Sunday, June 29, 2014

Maraykanka iyo AMISOM oo ka digay Weerarro Argagixiso oo ka dhaca Muqdisho, Hanjabaadda Al-Shabaab iyo Jawaabta Madaxweynaha Somaliya

“Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed aan u sheego in dowladdu ay diyaarisay qorshe ku aaddan sugidda amniga oo la dhaho ‘NABAD KU AFUR’,” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho, 29, June, 2014-(Himilo)- Dawladda Maraykanka iyo Ururka Midawga Afrika (AMISOM), ayaa digniino ka soo saaray weerarro halis badan dhalin kara oo inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan ay Kooxda Al-Shabaab doonayso inay ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya iyo deegaannada kale ee dalkaas qaarkood-ba, waxaanay digniintaasi ku soo beegan tahay wakhti hanjabaado kululi ka soo yeedhayaan Al-Shabaab.

Qoraallo ay soo kala saareen Wakiillada AMISOM iyo Mareykanka ee Soomaaliya, waxay ku sheegeen inay dawladda iyo Shacabka Soomaaliya uga digayaan weerarro argaggixiso oo ay Al-shabaab ka geysato magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood inta lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan; iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay feejignaan dheeri ah muujiyaan inta lagu jiro Ramadaan-ta.

USA

Amisom_logo_0

 

 

 

 

Mareykanka iyo AMISOM ayaa qoraalkooda ku sheegay inay hambalyo u dirayaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta, tasaoo ku aaddan bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan oo lagu maanta maalintii koowaad laga Soomman yahay dunida Islaamka.

Hase-yeeshee, Afhayeenka Malleeshiyada Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali-Dheere) oo la hadlay Warbaahinta Afka Malleeshiyadaas ku hadasha, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan dawladda Soomaaliya iyo Xulufadeeda Midawga Afrika, waxaanu ku hanjabay inay ka go’an tahay inay dagaal la galaan cid kasta oo isku dayda samayn Maamul-goboleed gobolkasta oo uu Soomaaliya ka yahay, isagoo dhismaha Maamul-goboleedyada Soomaaliya ka socda ku eedeeyey reer Galbeedka iyo Gaalada.

“Maanta dalkii oo dhan waa la goo-gooyay tuulo-tuulo ayaa loo kala jaray, Afgooye oo 30-km u jirta Muqdisho ayaa la leeyahay loogama taliyo Xamar ciddii diiddana waxaan ula dagaallamaynaa sida Al-shabaab oo kale, taas waxaan yeeli karno ma aha, waan la dagaallamaynaa dhammaan waxa loogu yeedho Maamullada gobollada ka jira.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere.

Balse, Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay dawladda Soomaaliya ay bisha Ramadaan diyaarisay qorshe loogu magac-daray “Nabad Ku Afur,” kaasoo loogu tala-galay in lagaga hor-tago falalka amni-darro ee ka dhaca magaalada Muqdisho Bisha Ramadaan, waxaanu fadliga Bisha Ramadaan ugu hambalyeeyey Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta Caalamka oo uu u rejeeyey inay Soontan Soonteeda ku gaadhaan nabad, barwaaqo iyo wada-jir.

“Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed aan u sheego in dowladdu ay diyaarisay qorshe ku aaddan sugidda amniga oo la dhaho ‘NABAD KU AFUR’, si kooxaha nabad-diidka ah looga hor-tago in Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ay ka carqaladeeyaan Cibaadada Alle, waxaanan shacabka ka codsaneynaa inay Ciidammada kala shaqeeyaan hirgelinta arrimahaas.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan isugu naxariistaan, isla markaana siday u kala jilicsan yihiin isu gacan-qabtaan oo isu caawiyaan.

Al-Shabaab ayaa sida dhaqanka iyo caadada u ahaa lixdii sannadood ee u dambeeyey oo ay ka dagaallamaysay dalka Soomaaliya inay Bisha Barakaysan ee Ramadaan laban-laabaan dagaallada iyo weerarrada Argagixisannimo ee ay ka fuliso goobaha dawladda, goobaha Ciidammada AMISOM iyo meelaha ay Shacabku ku kulmaan ee dalka Soomalaiya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

 

No comments:

Post a Comment