
Waxay maxkamaddu sheegtay in lagu helay dambi ah inay fidinayeen warar been abuur ah oo ay la shaqeynayeen ururka dalkaas laga mamnuucay ee Ikhwaanul Musliminka.
Weriyayaashaasi waxaa ka mid ah Peter Greste, oo hore ula shaqeyn jiray BBC-da isla markaana u dhashay dalka Australia.
Xukunka ka hor ayaa ra'iisalwasaaraha Australia Tony Abbot waxaa uu baaq u diray madaxweynaha Masar Abdul Fatah al-Sisi, uu kaga codsaday siideynta weriyaha Al-Jazeera ee Peter Greste.
Xukuumadda Dalka Masar oo ah Militari ku timi shaadh Madani ayaa gacan bir ah ku haysa Xukunka Dalkaas, waxana ay maalmo ka hor Xukunno dil iyo xabsi daa’im iskugu jira ku ridday Boqolaal ka Tirsan Saraakiisha sarsare ee Ururka Ikhwaanu muslimiinta oo uu ka tirsanaa Madaxweyne Mursi.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment