Sunday, June 22, 2014

Maxay Puntland kaga jawaabtay heshiiska Shidaal-baadhista ah ee Dhex-maray Soomaaliya iyo SHELL?

 

 

Garowe, 22 June, 2014 (Himilo)- Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa gaashaanka ku-dhuftay heshiis sahamin shidaal oo shirkadda laga leeyahay dalalka Holland iyo Ingiriiska ee Shell PLC la saxeexatay xukuumadda Soomaaliya, waxaanay sheegeen in aanay shirkaddaasi ka hawl-geli doonaan deegaamadooda.

pl-somXukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa dhowaan heshiis dib loogu soo noolaynayo hawl-gallo shirkadda SHELL ka wadday dalkaas ka hor dagaaladii sokeeye, kula saxeexday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyada oo shirkaddani sahamin shidaal ka bilaabi doonto xeebaha Soomaaliya.

Agaasimaha Hay’adda Macdanta iyo Kheyraadka ee Maamul-goboleedka Puntland Ciise Maxamuud oo shalay la hadlayey laanta Afka Soomaaliga ee BBC, ayaa sheegay in maamulkoodu awood u leeyahay soo-saarista kheyraadkooda oo aanay u baahnayn inay cid kale ku faro-geliso.

"Iyagu [Saraakiisha xukuumada Soomaaliya] waxay u galeen heshiiska doonistooda, ma keeni karaan shirkaddaas Puntland, nagumana khasbi karaan. Maamulka waxa leh madaxda Puntland ee malaha Muqdisho,” ayuu yidhi masuulka u hadlayey maamul goboleedka Puntland oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida ay u arkaan heshiis xukuumada Soomaaliya la saxeexatay shirkadda shidaalka Royal Dutch Shell PLC Jimicihii todobaadkan.

Dhiirri-gelinta shirkadaha danaynaya kheyraadka Soomaaliya, ayaa bilaabantay ka dib markii Magaalooyin dhowr ah oo maleeshiyaadkii Shabaab gacanta ku hayeen lagala wareegay, waxaana bilaabmay ololeyaal shirkado dhowr ahi dib u bilaabeen inay ku laabtaan waddanka dagaaladu hadheeyeen ee Soomaaliya.

Madaxweynahii hore Puntland Dr. Abdirahman Farole, ayaa gebi ahaanba hakiyey iskaashigii u dhexeeyey xukuumada Soomaaliya, ka dib markii ay isku khilaafeen dastuurka federaalka iyo deeqaha caalamka sannadkii 2013, haseyeeshee lama garan karo sida uu wada-shaqaynta dawladda Dhexe ee Soomaaliya u soo dhaweeyo Madaxweynaha xilligan Cabdiweli Gaas oo Reysal-wasaare ka soo noqday Dawladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya.

 

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment