Kulankan oo ujeedadiisu ahayd isbarashada wasiirka maaliyada iyo xubnaha gudida cusub ee dhaqaalaha, miisaaniyada iyo ganacsiga ee golaha wakiilada.
Kulankan ayaa labada dhinac kaga wada hadleen sidii ay u abuuri lahaayeen wada shaqayn hufan oo joogta ah iyo arrimo door ah oo la xidhiidha miisaaniyada qaranka ee 2015 oo xilligan diyaarinteeda ay ku gudo jirto wasaarada maaliyada.Xubnaha gudida dhaqaalaha miisaaniyada iyo ganacsiga ee golaha wakiilada ee kulankan ka qayb gashay ayaa waxay kala ahaayeen:-
1. Xildhibaan Cumar Axmed Saleeban (Sanweyne) Gudoomiyaha Gudidda
2. Xildhibaan Siciid Maxmed Cilmi
3. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac)
4. Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye
5. Xildhibaan Farxaan Maxamed Cali
Dhinaca kalena wasiirka maaliyada waxa kulankan ku wehelinayey madax ka tirsan wasaarada maaliyada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment