
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay laanta xisbiga UCID ee dalka Ingiriiska oo casho-sharaf loogu sameeyey Guddoomiye Faysal habeenkii Axadda, waxa uu sheegay in wadahadal laga yeelan doono qaabka loo dhigayo tirada guud ee Komishanka Doorashooyinka oo hadda ka kooban 7 xubnood.
Warsaxaafadeedka Xisbigu laanta London ka soo saaray ayaa u dhignaa sidatan:
“Guddoomiyaha xisbiga UCID mar uu ka hadlayey doorashooyinka soo socda waxa uu sheegey inay imminka meel fiican marayso diyaargarowgii diiwaangalintu, Komishanka Doorashooyinkuna ay qabteen shaqo fiican, tijaabadiisana ay sameeyeen. Waxa Guddoomiyaha UCID caddeeyey in Guddida Doorashooyinka Qaranka la beddeli doono, suurtogalna ay tahay in wax-ka-beddel lagu sameeyo xubnaha uu ka koobnaan doono Komishanka Doorashooyinku, hasayeeshee, arrintaas laga wadahadli doono,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay laanta UCID ee dalka UK.
Eng. Faysal Cali-waraabe oo ka qaybgalaya shir ay leeyihiin xisbiyada The Socialist International oo xisbiga UCID xubin ka yahay, kaasoo dalka Mexico ee Qaaradda Waqooyiga Ameerika ka furmaya Isniinta maanta, socona doonaa ilaa Salaasada berri, waxa uu sheegay in xukuumada madaxweyne Siilaanyo damacsan tahay in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo u muddaysan badhtamaha sannadka 2015, isagoo xusay in xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI aanay weli go’aan ka gaadhin in labada doorasho la is-raaciyo iyo in midba mar la qabto.
Hasayeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa 12 June ee sannadkan soo jeediyey in aan mar la wada qaban doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, waxaannu ku baaqay in labada doorasho mid walba gaarkeeda loo qabto, isagoo hore u soo jeediyey in tiradda guud ee Komishanka Doorashooyinka oo hadda ah 7 xubnood laga dhigo 9 xubnood oo saddexda xisbi qaran mid walba saddex xubnood magacaabo.
Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa sidoo kale sheegay in siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland tahay mid aad u hoosaysa, isla markaana ay mareyso in waddamada jaarku xidhaan xuduudka ay la wadaagaan Somaliland, arrintaasoo uu ku sifeeyey inay muujinayso hoos-u-dhac ku yimi siyaasadda khaarajiga xukuumada madaxweyne Siilaanyo.
Waxaa kale oo uu sheegey in khilaafkii ka taagnaa degmada Taleex lagu dhameeyey guul, lana qareemeyey maleeshiyaad degaanka ah, maamulna loo sameeyey degmada Taleex ee Gobolka Sool, arrintaasoo uu ku dooday inay tahay talo uu soo jeediyey kulankii madxweynuhu golayaasha qaranka isugu yeedhay ee lagaga tashaday arrimaha Sool iyo guud ahaanba xaaladaha Somaliland.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment