
Ciidamada la qarameeyey ayaa si buuxda loogu wareejiyey Ammaanka magaalada, waxana ay sugi doonaan ammaanka iyo kalla dambaynta Gudaha magaalada.
Saraakiisha Ciidanka qaranka iyo Xukuumadda Somaliland wali kamay hadal soo guuritaanka Ciidanka, hase yeeshee waxay u muuqataa in Qorshe cad Xukuumaddu kaga soo guurtay maadaama ay ka eriday Kooxdii Khaatumo ee shirka wadatay.
Xaaladda Guud ee deegaankaas ayaa haatan si buuxda u deggen, waxana ciidanka qaranka Xooggoodu joogaa Goobo aan sidaas uga fogayn Goobihii ay hore u joogi jireen, xaaladda Magaaladuna waa mid sugan oo Somaliland si Buuxda Taladeedu uga fulayso.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment