Sunday, June 29, 2014

Haddii Jaceylka la waayo’!- W/Q: Amina Mussa Wehelie

Koonkan aanu ku nool nahay Illaahey ayaa taagay, dhulka u fidiyey, Samadana dushaas ku taakeeyey, biyahana badaha iyo webiyada goobo cayiman kula ballamay. Isla Eebbahaas ayaa dadkana Aadan uga dhigay Aabbe, Xaawa oo uu feedha Aadan ka abuurayna Hooyo uga dhigay.

Illaahay ayaa haddana dadka dhex dhigay jaceyl iyo nacayb, labadaas oo ay dunida si nabdoon ugu wada joogaan ama isku laayaan.

Bal hadaba inaba waligaa dib ma u eegtay noloshaada? Adoo carruur ah iyo adoo cirroole ahse weli ma is weydiisay, horta sidaad dunidan ku timid?

Jiirooyinku waa kala dhaadheer yihiin, marka nolol ama waaya jira la dhiraandhirinayo, waxay u baahan yihiin in dhowr jiiro ama leexo loo soo galo, macna badan kuu soo bixi maayaan daraasadaadiina ka gun gaadhi meysid hadaad luuq-luuq soke u marto si aad u ogaato xogta iyo taariikhda ka dambeysa in aad dunidaan timaaddo.

Markaad rabto in aad ogaato, halkaad maalinba cag soo dhigtay, intaad dunidaan ku soo socotay si aad uga mid noqoto nafleyda ku dul nool tan iyo  berigii aad ku soo biirtay ibna’aadanka yaacaya dusheedaba, waxeey  kugu qaadaneysaa waqti dheer, waxeyse ku xidhan tahay in aad adigu dooneyso in aad leexooyinka aad u mareyso ama soo gaabsato ama sii dheereysato.

Bal dib u eeg, sidee baad dunidan ku timi? Inta aanad faaqidaadda hore u gelin maskaxdana aanad ka sii dhalaalin, in yar intaad halkaas ku qabato, is weydii horta, INNABA NOLOSHAADU JACEYL LA’AAN MA JIRI LAHAYD?

Dooddaas oo aan ogahay in qaar badan oo iminka maqaalkaan akhrinaya, ay xiiso la karkarayaan, isna heyn kari la’yihiin qodobka laga hadlayo muhiimaddiisa darteed, ayaad hadana waxa dhici karta in aan isaga soo boodno jawaabta innaga oo aan waxba si aad ah ugu fiirsan.

Laakiin wax deg-degsiiyo ku hagaagaba ma jiraane, si tartiib ah aan isugu dayno in aan u fekerno.

Illaahey ayaa ina uumay, waa sax, Aabbe iyo Hooyo ayuu inoo yeelay, waa hubaal kale, deetana nolosheenii oo dhan buu ina hordhigay, run weeye, ka bacdina halkaas ayuu inoo xukmay in aanu ka ambaqaadno, waa biyo kama dhibcaan taasina; ka dibna maalinba si baanu soo ahayn, sax Iyana, deetana, deetana, deetana….

Haye, waxaasoo dhami waa sax, waana rune, inabase ma isa soo gasheen adiga iyo jaceyl? Wax lug ahse bahalkaas la sheeg-sheego ma kugu yeeshay?

Waxa la yidhaahdo sal-fudeydka ayaa aadanaha lagu imtixaanay, waxaa laga yaabaa in aad kaba booddo waxyaabo badan oo dunida ku anfici lahaa, inaad si qoto-dheer ugu fiirsatana ay dani kuugu jiri lahayd, sida qaayibka ahna noloshu waxey ku macdahay inaad aad ugu dhugyeelato oo aanad dhayal iyo ciyaar kugu dhaafin joogista ay tahay in aad ku hakato si aad u dhiraandhiriso waddada ku hor taalla.

Haddii markan aan u soo dhaadhacno is daraasadeynteenii yarayd, ma kula tahay in Aabahaa iyo Hoyadaa is arki lahayn, kulmi lahayn, adiguna aanad dhalateen iyagoo bilaa jaceyl ah?

Mase dhici kartaa in badankeen aanu iska nimi dunida inagoon wax jaceyl ah ku dhalan?

Dad islaam ah baanu nahay, Diinteenana waa lagu weyneeyey jaceylka waxaana ku soo arooray Aayaad badan iyo Xadiisul-qudsi, balse hadana waxaad mooddaa in aanu si uga fara madhan nahay, ama aanu isku diidsiineyno jiritaankiisa, ku dhaqankiisa iyo koolkoolintiisa. Sidaas oo ay tahay, kulligeen waanu u wada bugnaa oo hoostaas baanu ka wada rabnaa in aan nolol jaceyl ka buuxo ku dhex harqano, kuna naaloono.

Nashaadka nolosha ayaa Jaceylka ku qiima leh, kuna dhisan, bal malee kiiyoo dunidaba laga wada suuliyo?

Side bay nolosheenu noqon lahayd, haddii ardayda dugsiga Qur’aanka ku dhigan jiray ku wada nici lahayeen, qaar aad si u jeceshihiinna aanay ku jiri lahayn? Ka waran hadaad daris is jecel aanad ku soo dhex korteen? Bal malee haddii aanad walaalahaa jeclaan lahayn, kuwa waaweyn kuu tudhi lahayn adiguna aad ku taagsan lahayd kuwa kaa yaryar?

Ka waran, miyaad guursan lahayd (waa hadaad guur gaadhaye) bilaa Jaceyl?  Qoys is necebse ma jiri lahaa?

Maxaa bal markaa dhici lahaa haddii jaceylka la waayo sidiisaba? Waxaa yaraan lahaa tirada iyo korodhka dadka, haddii dadku dunida ku yaraadana waxaa badan lahaa dugaagga, sidaasna dadka yar ee dunida ku nooli waxay maaro isaga weyn lahaayeen dugaag ugaadhsada, oo maf ka siiya, noloshooduna khatar bay ku jiri lahayd.

Dhanka kale, waxa badan lahaa cuduradda maskaxda ee cuqdadda badan keena, waxaana kordhi lahaa xaasidnimada. Lama heleen ibnu aadam isu naxariista, is kaalmeeya, abaaraha iyo dhibaatooyinkana isaga gurmada.

Waxa soo koobmi lahaa isku socodka dadyowga adduunka, waxaa hoos u dhici lahaa ilbaxnimada bislaatey ee dunida, waxaa yaraan lahaa aqoonta, cilmiguna maba jireen, waayoo waxa aqoon iyo cilmi ah waxay iminka ku dhasheen dad niyaddooda Jaceyl ku jiro oo jecel in ay dunida wax qabsadaan, horumarkana ka shaqeeyaan.

Dadku waxey yeelan lahaayeen qalbiyo dhagaxyo ah oo aan debecsaneyn, dhego adag oo aan waxba maqlin iyo maskax aan fariimaha si waafi ah ugu gudbin jidhka intiisa kale, sidaas darteed dadka qudhiisa ayaa dugaagoobi lahaa.

Diinta ayaa iyana dhibaato ku iman lahayd maadama iyada oo dhami ay ku dhisan tahay naxariis iyo nabad gelyo, labadaasna waxa fulin kara oo meel marin kara dad naxariista ah oo qalbigoodu jilicsan yahay, waxa qabliga jilciyana jaceylkaa ugu horeeya, sidaad darteed ayaa dadku bilaa diin ku soo bixi lahayeen, cawaan iska nool ayeyna ahaan lahaayeen, oo iyaga iyo dugaaggu dunida ku hirdami lahaayeen, wax kala celiyana aaney jirin.

Waxaa yaraan lahaa in xitaa qofku nolosha jeclaado, sidaasna waxaa qaribmi lahaa in qofku camal fiican sameysto inta uu nool yahay.

Waxaa dhammaan lahayd kalsoonida nolosha markaasna duniduba iska gabaabsi ayey noqon lahayd, mana jirteen rejo nololeed oo muuqata, hiigsi, iyo jiritaanba.

Lama heleen hogaamiyayaal maskax furan oo dunida ka taliya,  inta iminka colaadaha iyo madax adayga la soo taaganna waxaa dhici karta in eey yihiin kuwo bilaa Jaceyl ah oo maskaxdu shaandho noqotay, sidaasna naxariistu uga suushay, dunida bilaa jaceylka ahina noocaas ayeey la soo bixi lahayd, sidaasna waxaa ku yaraan lahaa xasiloonida dunida iyo wax wada qabsigeeda.

Geba-gebadii haddii jaceylka la waayo waxa xilli hore idlaan lahayd dunida, inta ay sii jirtana wax macna muuqda ah lama aanay jirteen, maadaama ay dhexdeeda ku nool yihiin ummad is wad neceb oon noloshaba isu diidan.

Markaa, maadaama uu Jaceylku ka qoto-dheer yahay sida aanu u heysano, waxa hagaagsan in aan wayneyno nolosheenana ku ladhno, kuna dedaalno in aan mar kasta qeyb ka siino, si jacayl badani innoo dhex maro, nolosheenuna u noqoto mid dhisan, kownkan dushiisana ugu noolaano innagoo ah dad nolosha isu ogol, bini’aadmi ah, dhaqan aadamina leh, nolol fur-furan-na aanu u helno iyo fursado innoo saamaxaya in aan horumarkeenna ballaadhino.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment