Wednesday, June 25, 2014

Madaxweynaha Koonfurta Sudan oo Shuruud ku xidhay Xasilooni ka dhacda Dalkiisa

Juba, 25 June, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha dalka Koonfurta Sudan, Salva Kiir, ayaa hoosta ka xariiqay inuu diyaar u yahay xasilooni laga gaadho dagaallada sokeeye ee ka dhacay dalkiisa, balse uu taas shardi uga dhigay hadii loo magacaabayo madaxweynaha xukuumada ku-meel-gaadhka ee lagu heshiiyey in la dhiso.

SALKIIRMadaxweyne Kiir, ayaa sheegay in ururka IGAD doonayo inay dalkiisa madaxweyne uga dhigeen shakhsiyaad aan aqoon loo lahayn oo dibadaha laga keenay, waxaanu ku hanjabay  inaanu aqbali doonin xukuumad aanu madaxweyne ka noqon in la dhiso.

“Waxay doonayaan inay sameeyaan xukuumad-ku-meel-gaadh ah, anigoo madaxweynahii la doortay aanan ku jirin,” ayuu yidhi Kiir. Isagoo raaciyey, "Hadii ay keenaan qof ay doonayaan oo madaxweyne noqda..taasi waxaan aqbalayo maaha..”

Mr. Kiir ayaa sidoo kale ka jawaabceliyey weedho la sheegay in xoghayaha ururka IGAD Mahbuub Macalin ku duray isaga iyo hogaamiyaha Mucaaradka, isaga oo sheegay inuu ka dalbaday reysalwasaaraha Itoobiya oo wakhtigan ah guddoomiyaha IGAD in tallaabo arrintaas jawaab u ah ka qaado Xoghaya ururka IGAD ee xaruntiisu tahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Xogahayaha IGAD Mahboub Maalim ayaa Madaxweyne Kiir iyo ninka ka soo horjeeda ku sheegaylaba doqon oo u haysta in khilaafka Koonfurta Sudan lagu xalin karo dagaalo.

Mr. Kiir ayaa warqad uu u diray Gudoomiyaha IGAD oo wakhtigan ah Raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, kaga codsaday raaligelin iyo in talaabo laga qaado xogahayaha IGAD Maalin.

"Wefdiga xukuumada Koonfurta Sudan kuma laaban doonaan wada-xaajoodka nabadda ee Addis Ababa, ilaa raysalwasaare Desalegn jawaab ka soo celiyo qoraalka aan u diray,” ayuu yidhi Mr. Kiir.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment