Thursday, June 26, 2014

Guddoomiyaha Kulmiye oo Shacabka ku hambalyeeyey Sannad-guuro xuskeedu Maanta ku beegan yahay

Hargeysa, 26 June, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga talaa dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacbiga Somaliland ku hambalyeeyey sannad-guurada 54aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland xornimada ka qaadatay mustacmarkii Ingiriiska oo maanta ku beegan.

Muuse1Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Xisbiga Kulmiye oo xambaarsanaa hambalyada Guddoomiyaha, ayaa u qoraa sidan:- “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, Golaha Dhexe, Guddiga Fulinta iyo dhammaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan shacbiga Somaliland xuska sannad-guurada 54-aad ee ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Somaliland xornimadeeda ka qaadatay mustacmarkii Ingiriiska 26-kii June 1960-kii.

Guddoomiyuhu wuxuu u rajaynayaa inay sannadkan kiisa ku gaadhaan horumar iyo aqoonsi.”

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment