Lamu:June,30,2014(Himilo)-Masuuliyiin sare oo ka tirsan Maxkamadda Dalka Kenya ayaa sheegaya in Guddoomiyihii deegaanka Xeebta ee dhawaan dadka lagu laayey lagu sii daayey qaab dammiin ah.
Gudoomiye Ciisa Timamy oo masuul ka ahaa deegaanka Lamu ayaa la xidhay todobaadkii lasoo dhaafay,kadib markii dilal kala duwan ay ka dhaceen deegaanada Mpeketoni iyo Pormoko ee dalkaasi Kenya oo ah Goobaha uu masuulka ka ahaa.Qaadiga maxkamada xukunka dhageysanaysay Martin Muya ayaa sheegay inaanay jirin qorshe lagu sii wadi karo in xabsi KMG ah lagu sii hayo gudoomiyaha, iyadoo lagu sii daayay 5 milyan oo Kenya Shillings oo u dhiganta 57, 000 oo doolar.
Qareenka maxkamada Alexander Muteti ayaa sheegay in gudoomiyaha in baadhitaano ku aadan dilalka lagu eedeeyay lagu sameeyay, isla maantana la sii daayey.
Dembiga masuulkan lagu haysto oo ah dilal kala dambeeyey ayaa waxa masuuliyadeeda sheegtay kooxaha Alshabaab, balse Madaxweyne Uhuru ayaa ku eedeeyey siyaasiyiin dalka Kenya u dhashay.
Gudoomiyaha deegaanka Lamu Ciisa Timamy ayaa kamid ah xubnaha dimuqraadiga ee dalka Kenya.
Bisha july 16 ayaa la filayaa inuu markale kasoo muuqdo Maxkamad ku taala magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment