Sunday, June 29, 2014

Ujeeddada Shir lagu martiqaaday oo Guddoomiyaha UCID kaga Qayb-galayo Waddanka Mexico

Mexico City, 29 June, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka Somaliland Ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe, ayaa socdaal la xidhiidha hawlaha xisbiga ugu ambo-baxay caasimadda dalka Mexico ee Koonfurta Maraykanka, halkaas oo uu kaga qayb galayo Shirweynaha Axsaabta Hantiwadaagga ah adduunka oo sannadkiiba hal mar lagu qabto waddamada ay ka jiraan xisbiyada hanti-wadaagga oo ku midaysan dallad magaceeda la yidhaahdo (Socialist International).

Faisal Socialist republicGuddoomiyaha UCID oo xisbigiisu xubin ka yahay Golaha Xisbiga aaminsan mabada’ Hanti-wadaagga,  ayaa isaga oo metelaya Somaliland waxa uu Shirweynaha kaga qayb galayaa magaalada Mexico City ee Caasimadda dalkaasi oo uu shirkani ka furmi ka socon doono inta u dhaxaysa 30-June ilaa 1-da July, waxaana si rasmi ah u furi doona madaxweynaha dalka Mexico Mr. Enrique Peña Nieto.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe  oo galabnimadii Khamiistii ee toddobaadkii hore ka dhoofay dalka isaga oo ku sii jeedda dalkaas Mexico ayaa waxa uu ku sii hakaday dalka Ethiopia.

Sida lagu shaaciyey Marti-qaadka guddoomiyaha UCID kaga qayb-galayo shirkaas oo uu ku saxeexan yahay Xog-hayaha guud ee Dalladan, Mr. Luis Ayala, waxa shirka ajendihiisu koobsanayaa arrimo kala duwan oo khuseeya xaaladda dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed, Ammaan iyo degennaansho ee dunida, gaar ahaan waddamada ay ka jiraan xisbiyada Hanti-wadaagga ee dunida.

“Ajandaha Goluhu waxa muhiimadda lagu saari doonaa dimuqraadiyadda iyada oo la tixgelinayo dhaqaalaha dunida, caqabadaha ku gedaaman nabadda iyo ammaanka caalamka, xoogjinta dimuqraadiyadda iyo  arrimaha khuseeya Muhaajiriinta,” sidaas waxa lagu sheegay qoraalka marti-qaadka ah ee xoghayaha Golaha Xisbiyada Hanti-wadaagga ah Mr Luis Ayala.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment