
Axmed Cabdi Wehliye, Gudoomiyaha degmadaasi Buullo-burde oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ku dhawaad 6 ruux oo laba kamid ah ay ahaayeen dadkii weerarka soo qaaday ay ku dhinteen weerarkaasi ka dhacay degmada.
Gudoomiyaha degmadaasi ayaa sheegay in Alshabaab ay weerarkaasi ka dambeeyeen, isla-markaana ay soo qaadeen Laban in oo ku lebisnaa Tuutaha ciidamada xoogga soomalia.
Axmed Waabweyne, ayaa qiray in dadka weerarka ka dambeeyay ay askar ilaalo aheyd ay ku dileen afaafka hore ee saldhiga degmada oo uu weerarka ka dhacay.
Dhanka kale Alshabaab ayaa sheegay in saraakiil badan oo dowlada Soomaaliya ka tirsan inay ku dileen weerarka ka dhacay degmadaasi, waxaana afhayeenka Alshabaab uu sheegay in ku dhawaad 10 ruux ay dileen.
Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegay in askarta ay ku dileen banaanka hore ee Hotel Camalow iyo gudaha hotelka sida uu hadalka u dhigay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment