
“dhallinyaradu uma baahna Qabiile qaran bay u baahan tahay, waana inaad Halkiina ka ilaalisaan, waxana aad ku abtirsanaysaan Deegaanadiina, sida 26-june iyo Koodbuur.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxana uu isagoo hadalkiisa sii wata intaas ku daray,
“Umad aan midaysnayni qaran ma dhisi karta, marka aad Garoonka Hargeysa ka dhoofto ayaa qabiil kuugu dambaysa, wax aan qabiil ahinina dalkeena kama soo baxayaan waayo wasiirradeenii iyo salaadiinteenii baa qabyaalad ku haydlay, taasina waa ta keentayb in la yidhaahdo taleex ka baxay, waxana Somaliland maanta halis ugu jirtaa inay dunto waxa duminayayaan waa qabiil.”
Faysal Cali waraabe oo la Kaftamay Dhallinyarada Xisbigiisa ku soo biirtay, ayaa kula taliyey inaanay noqonin kuwo xisbiga Qabyaalad ugu yimi ee ay noqdaan kuwo mabda’ kula soo biiray Xisbiga, waxana uu yidhi,
“isku taga oo maalintaas Codkiina bixinyasaan yaanay niman qaad soo cunay idin waaline codkiina u hubsada, anigana Sheekh Madar Baa Timaha la igaga Xiiray, laakiin laba jeer Baad iga hiiliseen, Maantase Haddii aad u timaadeeen Nin subeer awal baa jooga xisbiga waa la arki doonaa, Haddii aad leedihiin Ucid baanu u nimi-na waa la arki doonaa,”
Waxa uu Faysal soo jeediyey in dalka Giftinadiisa iyo Gobolladiisa Fogfog wax loo qabto oo aanay Caasimadda Oo Kali ahi noqonin meesha siyaasadda, dhaqaalaha iyo waxbarashada la isku keeno oo dadku ka soo yaacaan Goobihii ay degenaayeen, waxana uu yidhi,
“Maanta Hargeysa ayaa la iskugu yimi oo Arsaaqaddii iyo xukunkiiba la iskugu keenay, waana in la fidiyaaa oo gobollada bariga loo huraa DHaqaalaha, Mar haddii aynu inagu beesheenii dhexe isku mashquulno oo aynaan cidda inaga Maqan tebin Waa Guuldarro.”
Himilo Media
No comments:
Post a Comment