Mahlakadda, Aafadda iyo masiibadda Qaran ee TAHRIIBTU waa mid deris iyo rafiiq la noqotay Da'yarta ka qalin-jebisa Dugsiyadda sare Iyo Jaamacaddaha Somaliland.
Masiibadda TAHRIIBTU Wa dariiq dheer oo Dhalintu ku raadsanayso camal Iyo Shaqooyin Ay quuskaga Taagan Yihiin Dhulkoodda Hooyo inta badan waxa loo nisbeeya Maamul xumi ku habsatay Haayadaha laamaha Dawladda ee ku shaqo leh camal usamaynta Jiilka Dhalinta Ee Dalka u kacaya.
Dabaaqaddi 2013 Ayay ahayd markii Saxiibkay marna Ah Walalkay Uu goor aan habeena ahayn maalina Ahayn Ukolayaystay Safarka dariiqa Dheer ee tahriibka.
Kedis ayay noqotay talo iyo go'aan uu goor habeen ah maankiisa ka keenay in laga hor istaago fulinteeda waxana uu habeenkaas isku qanciyay in uu siyar dhaldhalaalka Yurub ugaadhi doono isla subixii habeenkii uu tashadayna Waxa uu qaatay ka dhabaynta Riyaadiisi habeenimo waxa uu udiraay garoobay safarkii Dheeraa tahriibka.
Kol ay xili qado tahay salaadii duhur dabadeed ayuu iridda iga soo Galay waxana uu iga dalbaday Inaan iso soo duceyno Fajac amakaag iyo yaab kadib Hadaladiisa waxa uu iweydiiyay Go' Cas oo agtayda yaalay ''GO' Xidig Ah'' in aan udhiibo waxana uu sheegay in Uu Tahriibayo.
Su'aal Xagu qabanayo, qaadashada go'aanka Xiligu ku dhashay iyo ujeedadiisaba ilaahay amarkii dhayal iyo dheeshiisi Ayay Saxiibkay ila ahayd maankaygana maan Gelin waa Ka rubad run ah Oo Wuu Tahriibayaa.
Kolku dareemay inaanay Iqudhqudhsamaynin Hadaladdi Xanafta badnaa iyo kelmadda qadhaadh ee uu maalintaasi Ku Hadlayay ''WAAN TAHRIIBAYAA'' Waxa uu gostay in uu hadalkiisa bedelo kuyee Safar gaaban ayaan Hadaba saxiiboow kasoo laabanayaa Ee An Soo wada Haddalo.
Gortaa Dabadeed Galabtaa dabadeed Iyo gelinkaa dambe ee maalintaasi waxa noqotay tii igu dambaysay maqalkiisa iyo muuqiisaba.
Ehel iyo Xigaal gacal iyo Sokeeye Cid ka war qabtay may jirin Safarkiisa marka laga Reebo aniga oo uu hadalka ii saray iyo weliba Cidi uu waqtigiisa dhalinyara nimo Iyo Dareenka jacaylku mataaneeyay Mooyaane.
SAXARAHA:- Waa gawaan madhan oo cidla ah saxaraha libia hadh iyo biya la' halis ah inbadan dadka tahriiba waa halka galaafatay
Ale haw naxariistee Saxiibkay Biimaddi iyo halistii saxaraha silic uu maray iyo xanuun badan kadib LIBIA Ayuu gadhay.
LIBIA:- Wa kawaanka Dadka lagu qasho hadaad hore umaqasheen kawaanka Hilibka, Dadka fara ku tiriska ah ee tahriibka ka badbaaday waxay weriyaan in ay isbaarooyin u yaalan rag loogu yeedho MA NAXAYAAL , MA GAFAYAAL Iyo Qaar kale oo ka ganacsada gadashada jidhka biniaadamka iyo weliba adoonsiga Dadka aan udhalan dalkaasi ee sharci darada ku Gala.
LIBIA :- Jeelal waaweyn ayaa ku yaala waxana lagu adoonsadaa dadka tahriib doonka ah qaar badan oo ka mid ah dadkaasi waxay xanuuno la garan waayay ugu dhinteen jeelashaasi qaar kale nafta ayaa laga qaaday markii qoyskoodu soo bixin waayeen madax furashada qawlaysatada Magafayaashu Sheegtaan.
In badan dadka tahriibaa waxay ka sheekeyaan Saxaraha LIBIA Balse waxa jira SAXARAHA MADOW Oo u dhexeeya SUDAN IYO ETHOPIA dadka ka badbaada silica iyo saxariirkaasi Tahriibka iyo safarka saxaraha waxay inta badan ku madhaan Jeelasha libia iyo Badaha
Kooxaha MAGAFAYAASHA Iyo MANAXAHU, Waa budhacad arxan laawayaal ah waxaanay Cida ay gacanta Ku dhigaan ku xidhaan jeelashooda iyagoo u qabsada madax furasho.
In badan oo dadka Tahriiba ka mid ah qoysaskoodu waa dan yar iyo dad aan waxay haystaan noloshooda dhafsiisnayn.
Magafuhu marka uu Dhalinta tahriibaysa qabsado waxay u soo qayla dirtaan qoyskooda si loogu soo diri lacagta madax-furashada ah ee ay ku xukumaan inta badan ma awoodaan qoysaska danyarta ahi waxa ay ururiyaan iyo maqdaraha u qabtaana ma noqdaan wax ku filan lacagta Ay caado-qaatayaashu sheegtaan Oo fara badan awgeed muddo ayaana loo qabtaa qofka qoyskiisa lagaga sugayo lacagtaasi.
Qaarkood waxa la sheegay in lacagtu soo dhacdo iyadoo Qofku muddo mootan yahay lana dilay markii ay qoyskiisu ku soo bixin waayeen lacagta mudadii loogu tala galay.
Haddaba isagu nasiibkiisa lama kulmin Xaalada adag ee Saxaraha Qafaalashada Magafayaasha oo markiiba si yar ayuu uga baxay inkastooy dhibteeda leedahay.
Waxa la sheega inuu habeen ay doon ka raacayeen LIBIA iyagoo isugu jira Somali, Xabashi iyo Afrikadda Kale dad ka yimi oo iyaguna tahriib doon ah.
Doontaasi waxay ku xumaatay badda waxaana ka go'ay wixi yaraa ee uu mid walba guntiga ku sitey ee quud ahaa waxa la weriyay dadki saarnaa in mid ba midka uu ka xoog Weyn yahay naftiisa hunguriyeey waxaana lanoo soo sheegay in Saaxiibkay ka mid noqday dadki lagu Cunay Doontaasi.
SOMALILAND: Xukuumadda jirta waxay ololaha ku gashay inay wax ka qabanayso aafadan TAHRIIBTA Balse waxaynu odhan karnaa waxay horseeday in Magafayaasha iyo Tahriibiyaashu Safaarado ka furtaan WAJAALE
TAHRIIBTU WAA MASIIBO QARAN OO DA'YARTA HAYSATA
W/Q Reporter:- Mohamed Yousof Bakayle
Mbakayle@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment