
Ku dhawaad 25 sarkaal oo ciidamada booliska ah ayaa la qaadayaa iyadoo la siinayo tababar ku aadan difaacida weerarada argagixisada ee ka dhaca dalkaasi Kenya, waxaana la sheegay in kadib ay usii faa’ideyn doonaan ciidamada kale.
“Ruushka sidoo kale waxaa ka jira weeraro argagixiso taasi waxa ay na siineysaa inaan kor u qaadno khibradeena iyo awoodeena dhanka farsamada si aan isaga difaano cadowga”sidaasi ayuu yidhi Mr Gatilov.
Wasiir ku xigeenka arimaha dibada Ruushka ayaa sheegay inaanay badalin garab istaagooda maxkamada caalamiga ee dambiyada ICC, isagoo amaanay doorka dowlada Kenya ay ka ciyaartay howlgalada Soomaaliya iyo Koofur Sudan.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa soo dhaweeyay dhankiisa tageerada dowlada Ruushka, isagoo sheegay inay taasi wax ka tareyso la dagaalanka Alshabaab iyo kooxaha ay xidhiidhka leeyihiin.
Alshabaab ayaa dhowr jeer waxay weeraro ka geysteen dalkaasi Kenya, iyadoo ay ugu dambeysay weerarkii ka dhacay Jazeerada Lamu ee dalka Kenya, halkaas oo ay ku laayeen dad ku dhaw Boqol qof.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment