Wednesday, June 25, 2014

“waxaanu si adag u Cambaareynaynaa Qaabka uu u dhacay Xukunka Masuuliyiinta Haatuf, haddii uu cadaalad yahayna may jirteen sabab xukunka loo qariyaa Oo Ehellada….”Guddoomiye Cirro.

 

Hargeysa:June,25,2014(Himilo)-Guddoomiyeha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (cirro), ayaa Noqday Masuulkii ugu sarreeyey Si Adag uga Hadla Xukunka Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf Maxkamadda Gobolka Hargeysa Maanta ku ridday.

Guddoomiye-cirro3Guddoomiyaha oo warbaahinta kula Hadlay Xarunta Xisbigiisa ee Magaalada Hargeysa, ayaa wax laga xumaado ku tilaamay Xadhiga Saxafiyiintan iyo Ruqsadda laga qaaday Wargeyska Haatuf.

“Somaliland waxaynu ku iibinaynaa  in ay jirto saxaafad hor ah, Somaliland waxaynu ku iibinaynaa  in xoriyatulqawl jirro. Somaliland waxaynu ku iibinaynaa in Xuquuqal insaanka la ilaaliyo, Xukunka Maxkamada Haatuf waynu sugaynay, laakiin sidda la iisheegay saaka Subaxdii  hore aniga oo xafiiska fadhiya waxa dhacay waxa dhaqanka garsoorka ku cusub, oo ah Maxkamad xukunkeed oo la midi-roorteeyey, iyada oo aanay joogin eheladii Yusuf iyo Tafatiruhu, iyada oo aanay joogin saxaafadu, iyada oo aanay joogin Nimankii u doodayey Masuuliyiinta Haatuf, iyada oo loo diiday dadkii farro ku tiriska ahaa ee goobta Joogay, iyada oo nidaamka maxkamada ka baranay ay ahayd in maxkamadu noqoto mid furan.”Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo arrinta ka Hadlayey.

Guddoomiye Cirro ayaa xukunkaas Saaka Dhacay ku tilmaamay mid laf-jab ku ah Caddaalada iyo xorriyatul-qawlka Somaliland, waxana uu si adag u cambaareeyey Hannaankii Xukunku u dhacay oo ay dibadda ka ahaayeen Dhamaanba dadkii ay ahayd inay wax ka ogaadaan, waxana uu yidhi,

“waxaanu si adag u Cambaareynaynaa Qaabka uu u dhacay Xukunka Masuuliyiinta Haatuf, haddii xukunku cadaalad yahay may jirteen sabab xukunka loo qariyo oo heleda looga qariyo oo saxaafada looga qariyo, waxanay u eegtay in xukunkaasi si cadaalad ah aanu u dhicin, waxaanu xukumada ugu baaqaynaa in la soo celiyo Madaxbanaanidii garsoorka Somaliland, kana madaxbanaanaado wax kasta oo siyaasad ku saabsan, waxaanu xukumada ugu baaqayna in xoriyadooda u soo celiso Masuuliyiinta Haatuf, waxay ahayd in xeerarka saxaafada lagu maamulo xukunka suxufiyiinta balse waxa iska cad in aan xeerkii lagu dhaqmin laguna xukumin, oo xeerar kale lagu maamulay,”

 

Guddoomiye Cirro ayaa ugu dambayntii Golayaasha kala duwan ee Qaranka u soo jeediyey inay ka fogaadaan wax kasta oo wiiqi kara caddaaladda iyo sinnaanta muwaadiniinta u dhalatay Dalka, maadaama ay caddaaladdu tahay tiirka isku xidhi umadda ku dhaqan Geyigan.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment