Sunday, June 29, 2014

Ramadaanta Fadligeeda iyo Cidda ay ku waajibtay?

Mahad oo dhan Illaahay ayaa leh (SWT) , ina soo gaadhsiiyey bishan  Barakaysan ee Ramadaan.

Waxaynu wada dareensanahay in ay jiraan qaar badan oo walaaleheen ah oo inala soomay bishii hore laakiin waqtigu u saamixi waayey inay inala soomaan oo ku qarsoomay qubuuraha, inaguna
ma garan doono in bishan aynu dhamaystiran doono iyo in kale.


Waxaa mahad leh Illaaha inoogu nimceeyey cimrigeena oo yar inuu ina siiyey waqti kaabaya cimrigeena oo barakaynaya  sida bisha Ramadaanta iyo waqtigayada khayraadka ee sanad walba uu inoo jideeyey inaynu waajibaado qabsano iyadoo Alle swt khayraadkeena ku siyaadinayo.

Ramadaanta  waxaa Alle waajibiyey habeen Isniin ah oo laba maalmood ka
tageen bisha Shabcaan sanadkii labaad ee Hijriyada,



Fadliga Ramadaanta


Maalmahan inagu soo fool leh ee Ramadaan waa maalmo farxad leh oo barako badan waa maalmo Illaahay inoo fududaynayo khayraadka iyo ka faa’iidaysigiisa, Waa maalmo inoo dhaafi doona si degdeg ah iyadoo qofka muslimka ahi  uu sii jeclaysano inay la sii joogaan maalmahani.

Maalin kasta oo ka mid ah maalmahani way dhawaaqdaa waxayna tidhaa: qofkii khayr doonayow bushaarayso qofkii shar wadow xishood oo ka gaabso xumaanta.

Ramadaanta  dadka  muuminiintu  gacmohooda ayay kor u qaadayaan iyagoo  Alle baryaya  iyagoo is miskiininaya oo is dhul dhigaya, mid Illaahay.

Wuxuu waydiisanayaa inuu ka dhaafo sinbiriirixooyinkii uu galay, mid labaadna wuxuu Alle  waydiisanayaa in uu daacadiisa waafajiyo , mid sadexaadna wuxuu Alle waydiisanayaa inuu cadaabkiisa ka badbaadiyo, mid afraadna wuxuu Alle waydiisanayaa inuu ku abaal mariyo
Janooyinkiisa, mid shanaadna wuxuu Alle waydiisanayaa inuu dikrigiisa ku mashquuliyo iyo xuskiisa.


Soomtu walaalayaal waa gaashaan , gaashaanku waa shay ka samaysan xadiid oo la isaga dhigi jiray warmaha waqtigii warmaha iyo seefaha lagu dagaalami jiray. Soontu qofka waxay gaashaan uga tahay Naarta, xumaanta ,macaasida iwm.

Nin ayaa waydiiyey Abii umaama la odhan jiray Xabiibkeena scw  wuxuu ku yidhi: Nebi Allow iiga waran camal faa’iido badan leh oo Illaahayna igu jeclaanayo ? Nebigu wuxuu ugu jawaabay waar soonta ogow soonta wax loo dhigaa ma jiraan!

Waxaa kale oo fadligeeda ka mid ah Jannada waxaa ku yaal albaab la yidhaaho Ar-rayaan oo ay galaan keliya dadka soomaa cid kale albaabkaas ma gasho.

Waxaa ka mid ah fadliga Ramadaan maalinta qiyaame Soonka iyo Quraan akhriskuba way u shafeeco qaadaan cidii camalkaas la iman jirtay,

Soomtu waxay tidhaahaa: Illaahow waxaan u diidi jiray intii aduunka uu joogay markuu soomo  cuntada iyo cabitaanka iyo wixii shahwaad ah ee naftiisu jeceshahay, Illaahow iga aqbal inaan u shafeeco qaado
markaasaa Ilaahay ergadaas ama shafeecadaas ka aqbalaa Soomta.


Quraan kuna wuxu yidhahaa: Illaahow wuu igu camal fali jiray oo wuu igu dhaqmi jiray oo wuu igu tukan jiray Illaahow  iga aqbal shafeecada aan u qaadayo, markaasaa Illaahay ka aqbalaa shafeecada.

Waxaa kale oo ka mid ah fadligeeda in qofka muuminka ah ee sooma lagu abaal mariyo laba farxadood mid waa marka uu afuro midna waa marka uu xisaabta Alle la kulmo Illaahay hortiisa.

Hadii intaas aan ku joojino fadliga ramadaanta oo aynaan soo koobi kari aynu is waydiino yay ku waajibtay Ramadaantu?

Yay ku waajibtay Soonka Bisha Ramadaan?

Ramadaantu waxay ku waajibtay qofku inuu yahay qof ah Muslim, miyir qaba, qaangaadh ah, caafimaad qaba, negi oo aan safar ahayn, cudur daar aan lahayn sida gabadhii caadada lahayd iyo tii umushay.


Lixdan shuruudood ayaa ku xidhan waajibnimada Ramadaanta.
- Muslim marka la leeyahay Ramadaan kuma waajibin Gaalo.
- Miyir qaba  marka la leeyahay kuma waajib Ramadaantu qof waalan.
- Qaangaadh marka la leeyahay Caruurta kuma waajibin Ramadaantu, laakiin caruurta masuulkooda  ayaa amraya inay soomaan si uu ugu sii tarbiyadeeyo.


- Qofku waa inuu yahay qof aan safar ku jirin, safarka uu ku jiraa haduu yahay mid banaan dhibna ay ku keenayso soomitaanku wuu afurayaa oo kuma waajibayso maalmo kalena wuu qalaynayaa , laakiinse hadii safarku uu yahay mid fudud sida diyaarad iyo gaadhi ama tareen oo qofku soonta iska xejin karo wuu soomi karaa.
- Gabadha ku jirta usbuuceedii ama waqtigii dhalmada iyadana waqti kale ayay qalaynaysaa Ramadaanta.


Goormay waajibaysaa Ramadaan?

Ramadaan waxay waajibaysaa marka la helo  laba arimood oo keliya.

- Bishii Shabcaan oo dhamaystiranta .
- Bishii Ramadaan oo la arko.


Haddii la soo tiriyo bishii shabcaan  oo ay dhamaystiranto waxaa waajibaysa in la soomo , hadii bishii  Ramadaan la arko iyadoon dhamaan shabcaan, Sidoo kale hadii bishii Shabcaan habeen ka dhiman yahay  laakiin bishii  Ramadaan la arko waa la soomayaa.

Arkaanta Soomta

Arkaanta soomtu waa laba rukni
-  In la joojiyo wixii qofka afuriya marka waagu beryo ilaa gabalku ka dhacayo.
-  Rukniga labaad waa NIYO inuu qofku niyaysto soomta  waqtiga waagu beryo ilaa gabal dhaca laga eedaamayo.
Rukni sedexaad ayay ku darraan culumadu oo la  yidhaaho Ikhlaas in
qofku camalkaas Illaahay wax kaga doono oonu cid kale waxba kaga
rabin,


Casharka labaad waxa aynu ku  eegi doonaa dadka aan Soomayn, kuwa qalaynaya iyo kuwa Fidyada Bixinaya?

 

Qalinkii: Hussein Jama Guudcade,  Diintuwaanasteexo1@gmail.com

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment