
“Waxaan halkan taageero ballaadhan ka siinayaa xubnaha Xildhibaannada Golaha deegaanka Gabiley ee ku dhawaaqay inay ridayaan Guddoomiyihii Golaha Deegaanka. Runtii aad iyo aad baan ugu taageersanahay, sababta oo ah qoladaa Xildhibaannada ahi waxay doonayaan horumarka deegaanka, ninkan Maayerka ahina wuu qaban waayey wixii laga filayey, markaa aad iyo aad baan ugu taageersannahay,” ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.
Waxaanu Xildhibaan Xasan Cawaale oo baaq u diraya Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland uu yidhi, “Ta labaad ee aan doonayo inaan u sheego Wasiirka arrimaha gudaha waxa weeye, waxaan leeyahay xaq bay u leeyihiin arrintooda inay iyagu hagaajistaan, qurxistaan, nidaamsadaan, cidday doonaan ridaan, cidday doonaanna doortaan. Sidaa daraaddeed, waxaan ku leeyahay Wasiir waa inaad ku raacdaa, Warqaddana u qortaa, waliba aad ka qayb-gashaa oo aad goob-joog u noqoto marka ay ka takhallusayaan Maayerkaas.”
“Runtii aad iyo aad baan u soo dhawaynayaa haddii aan ahay Xildhibaan ka soo jeeda gobolka Gabiley inay Golaha Deegaanku Maayerka xilka ka qaadaan, sababta oo ah wuxu ka soo bixi waayey wixii loo doortay waanu ka seexday,” ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, oo sheegay inay jireen qaladaad hore oo soo noq-noqday oo uu ku kacay Maayerka degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment