Thursday, June 26, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo Ku Aaddan Munaasibadda 26-Ka June U Diray Shacabkiisa

Hargeisa:June,26,2014(Himilo)-Munaasibadda 54-aad eek a soo wareegtay Maalintii Somaliland Xorriyadeeda ka Qaadatay Maxmiyadii Ingiriiska aawadeed ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda somalilanda Axmed  Maxamed Maxamud Siilaanyo Hambalyo u diray Shacabka Somaliland.

uneoQoraal Hambalyo ah oo Uu Afhayeenka Madaxtooyadu soo saaray, isla-markaana Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Himilo, ayaa u dhingaa sidatan:

 

Madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland isgoo ku hadlaaya magaciisa ,magaca golayaasha qaranka iyo guud ahaanba magaca shacabka jamuuriyada Somaliland waxaaa uu munaasibada 26 –june darteed hambalyo u dirayaa shacabka reer Somaliland guud ahaan meel kasta oo ay joogan gudo iyo dibadba.

 

Warsaxaafadeedkaas, waxa Lagu Xusay in gobonimadii dadka reer Somaliland ay heleen 1960-kii in ay noqon wayday oo wixii laga filaayay ay marin habawday, shacabka Somaliland wanaagii iyo jeceylkii ay u qabeen walalahooda somaliya waxaa loogu badaley, dhibaatooyin iyo burbur gayaysiiyay aakhirkiina keenay in dalkooda ay gabi ahaana ay dibada uga baxaan cadaadiskii,dilkii iyo dhicii lagu hayay darteed.

Qalad-kaasi dhacay lixdankii waxaa dib loo saxay 1991-kii markaasi oo gudoon lagu gaadhay qaranimada Somaliland in ay gaarkeeda ay ahaato, lana abuuro dawladnimo dadkeeda u dhigta mustaqbal iyo aayatiin wacan , waxaanay dawlada Somaliland iyo shacabkeeduba u quus go’nayaan kuwa quudaraynaya wixii la odhan jiray somaali-wayn in anay waligeed dhici doonin in go’aankooda ay dib uga laabtaan shacabka Somaliland .

Xaqa go’aan ka gaadhista aayahooda cidna marti ugama aha, Dadaalka ay ku xaqiijinayaan qaranimadooduna waa tii ay ku soo dhiseen nabad galyadooda, nidaamkooda dawladnimo, oo saldhig adag ay u tahay nidaam tastuur ah oo waajibinaya jidhka dawladnimada loo marayo oo ah nidaam dimuqaraadi ah.

Ugu danbayntii madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland waxa uu u soo jeediyay shacabka reer Somaliland in ay foojignaan dheeraad ah u yeeshan nabad- galyadooda iyo difaaca qarankooda.

Allaa mahad leh

Afhayeenka madaxtooyada

Axmed saleebaan dhuxul

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment