Saturday, June 28, 2014

Madaxweynaha Somaliland oo Luuqad deggan kaga jawaab-celiyey Baaqyo ka soo yeedhay Soomaaliya

“Walaalahayaga Soomaaliya wax badan bay mar walba isku dayaan inay noo yeedhaan, wax badan bay isku dayaan inay Soomaaliya mid tahay, waxaannu leenahay Soomaaliya mid maaha…”

Hargeysa, 28, June, 2014-(Himilo):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay inay Soomaaliya wax badan isku dayday inay u yeedho oo ay u gacan-haadiso Somaliland, isla markaana ay jecel yihiin wax-wadalahaansho iyo inay Soomaaliya mid tahay, hase-yeeshee, waxa uu sheegay inaanay Soomaaliya mid ahayn ee ay Somaliland gaar ka tahay, kuna adag tahay gooni-isu-taaggeeda halganka dheer loo soo galay.

DSC_0012Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu sheegay inkasta oo aan Somaliland weli Beesha caalamka aqoonsi buuxa ka helin, haddana inay xidhiidh fiican la leedahay, isla markaana ay dunida ka hesho waxay u baahan tahay Somaliland. Waxa uu Madaxweyne Siilaanyo rejeeyey in guusha la gaadhi doono wakhti dhaw oo aan dheerayn, balse loo baahan yahay midnimo, wada-jir, wada-shaqan iyo waddaniyad inay muujiyaan Bulshada reer Somaliland.

Waxa uu Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo sidaa ku sheegey khudbad ka jeediyey Munaasibad Habeen-hore lagu qabtay xarunta Madaxtooyada magaalada Hargeysa oo loogu dabbaal-degayey 54-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26 June 1960-kii oo ku buuxday 26 June 2014 oo dorraad illaa habeen-hore, illaa habeen-saddexaadkii looga dabbaal-degayey Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya-ba.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ugu horreyn sheegay inay dhammaan Somaliland farxad u tahay xuska 54-guurada ka soo wareegtay xornimadii ay Ingiriiska ka qaateen, waxaanu yidhi; “Waxa  farxad innoo wada ah kullligeen inaynu u dabbaal-degayno 26-ka June 54-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland Isticmaarkii Ingiriiska xornimadeeda ka qaadatay, intii aynaan u gudbin ee aynaan ku darsan walaaleheenna Somaliland.”

Md. Axmed-Siilaanyo, waxa uu sheegay in halgan dheer loo soo maray helidda calankii ugu horreeyey ee Soomaaliyi yeelato oo ay hanatay Somaliland 26 June 1960-kii ka hor intii aanay Soomaalida Koonfurta la midoobin afar cisho ka dib helidda xorriyadda, waxaanu yidhi; “Waxaan leeyahay dalka Somaliland muddo badan buu u soo shaqaynayey oo u soo halgamayey inuu xorriyaddiisa helo, waxaa jirtay caaddifad aad u ballaadhan oo ahayd in dadka Af-Soomaaliga ku hadla ee Geeska Afrika oo dhan la isu wada keeno, Xamaasad caynkaas ah baa jirtay, Ururradii iyo Asxaabtii jirtayna ay ku wada shaqaynayeen, Xamaasaddaas ayaa inna geysay. Markii dambena waa tii la ogaa halgankii dheeraa ee aynu u galnay la soo noqoshada xorriyaddeenna iyo madax-bannaanideenna.”

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) mar uu ka hadlayey waxa maanta la gudboon dadka iyo dawladda Somaliland iyo heerka ay hadda marayayaan waxa uu yidhi; “Maanta waxa habboon, oo innala gudboon intii ka dambaysayna aynu ku dedaalaynay wixii inna soo maray daraaddeed inaynu dalkeenna iyo dadkeenna dhisanno, xorriyaddeenna la soo noqonno, ummadda iyo dalkeenna ka dhigno dal iyo ummad la aqoonsan yahay oo caalamka intiisa kale aqoonsan tahay. Maanta meel fiican baynu maraynaa, wax badan baana dadkeennu soo qabsaday, meel aad u wanaagsan baynu maraynaa, waanan ku sii wadi doonnaa.”

“Yeynaan Ictiraaf buuxa helin, laakiin caalamku wuu innala dhaqmaa, dunidu way innala shaqaysaa, waxaynu u baahannahay waynu ka helnaa, Insha Allaahu Tacaalaa halkaasna hore ayaynu uga sii mari doonnaa. Waxaan ummadda iyo dadweynaha Somaliland ku guubaabinayaa oo aan mar walba leeyahay waa inaynu midnimada, wada-jirka, wada-shaqaynta iyo waddaniyaddeenna ay meel uga soo wada jeesanno inaynu had iyo gooraale aynu aad iyo aad ugu dedaalno, Insha Allaahu Tacaalaa Illaahay waxaan ka rejaynayaa inuu guusha inna gaadhsiin doono wakhti aan fogeyn.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay marar badan Soomaaliya isku-dayday inay u gacan-haadiso Somaliland, balse aanay taasi wax dhici kara ahayn, waxaanu yidhi; “Walaalahayaga Soomaaliya mar wax badan bay mar walba isku dayaan inay noo yeedhaan, wax badan bay isku dayaan inay Soomaaliya mid tahay, waxaannu leenahay Soomaaliya mid maaha ee Somaliland way ku adag tahay gooni-isu-taaggeeda, waanay ku soconaysaa, maqlina mayno, wax badan baannu u soo halgannay waana gaadhi doonnaa halkaan ku soconno Insha Allaah.”

Munaasibaddaas Habeen-hore lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay ka sokow Madaxweynaha, Marwadiisa, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Marwadiisa, Shir-guddoonnada Golayaasha Baarlamaanka, Axsaabta Qaar, Xildhibaanno, Golaha Wasiirrada, Madax-dhaqmeed, Masuuliyiin iyo Marti-sharaf kale. Waxay Fannaaniinta Qaranka Somaliland iyo Fannaaniinta Xiddigaha Geesku ku bandhigeen xuskaas Riwaayad, Heeso iyo Majaajillooyin kala duwan oo ay dadkii ka qaybgalay aad u jaclaysteen intooda badan.

Himilomedia.com                                          

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment