Thursday, June 26, 2014

TALEEX: Boqolaal Maleeshiyo-beeleed ah iyo Tikniko ay wataan oo la Qarameeyey iyo Mashaariic Xukuumaddu gaadhsiiyey

 

“Waanu soo dhawaynaynaa garashada fiican iyo garwaaqsigiina ah aan wax wada-qabsanno oo Qaran wada-dhisanno.” – Wasiir Xirsi

 

Taleex, 26 June, 2014 (Himilo)- Wefti ka kooban Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Xildhibaano Goleyaasha Qaranka ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyad Somaliland oo socdaal ku tagay magaalada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool, ayaa mashaariic kala duwan ka fuliyey deegaankaas.

IMG_0165Xubnaha Weftiga Dawladda ee gaadhay degmada Taleex, ayaa ka kooban Wasiirada Wasaaradaha Madaxtooyada, Arrimaha Gudaha, Kheyraadka Biyaha, Dhalin-yarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska, Wasiiru-dawlaha Nabadaynta gobollada Bariga, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Maareeyaha Tv-ga Qaranka, Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo ka tirsan golaha Guurtida, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Taliyeyaasha Ciidanka Booliska, Asluubta iyo Hogaanka Hawlgelinta Ciidanka Qaranka.

Weftiga oo noqonaya kii ugu miisaanka cuslaa ee xukuumadda Somaliland ku gaadho degmada Taleex oo gacan ugu jiray kooxaha nabad-diidka ah ee deegaankaas ka hor intii aanay ciidamada qaranku gacan-ku-haynteeda la wareegin, ayaa dadweynaha magaalada oo isugu jira madax-dhaqameed, Wax-garad, haween iyo dhalinyaro  si weyn ugu soo dhaweeyeen. Weftigu waxa ay dadka deegaanka kala hadleen goob fagaare ah oo ay ka sheegeen in socdaalkoodu xambaarsan yahay mashaariic horumarineed iyo wax-qabad ay xukuumaddu ka fulinayso deegaanka.

Wasiirrada iyo xildhibaanada gaadhay Taleex, waxa ay saldhigga booliska degmada Taleex ku wareejiyeen Gaadhi Xaajiyad ah oo loogu talo galay Ciidanka Booliska si loo xoojiyo ammaanka iyo nabad-gelyada degmada.

Wefti Xukuumadda oo shalay ka soo amba-baxay magaalada Taleex, ay halkaas ka fuliyeen mashaariic kala duwan oo horumarinta adeegyada bulshada ah, halka sidoo kalena ay halkaas ku qarameeyeen malleeshiyo beeleed hore uga tirsanaan jiray Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo, kuwaas oo isu dhiibay ciidamada Qaranka.

IMG_0154Ciidamada la qarameeyey oo ka kooban 150 Askari iyo 10 Baabuur oo ay wataan hore uga tirsanaan jiray Kooxda Khaatumo, ayaa munaasibad loo sameeyey qaramayntooda wax ka hadlay wasiirrada Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada, Horumarinta Gobollada Bari iyo Kheyraadka Biyaha oo dhammaantood ka hadlay Qiimaha ay nabaddu u leeyahay horumarka bulshada isla markaana ilaalinta nabadgelyada deegaanka iyo shacabka ku nool ay tahay masuuliyadda u horeysa ee saaran Askari kasta oo Ciidanka ka tirsan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cade, ayaa bulshada deegaankaas u sharraxay ujeeddada socdaalkooda iyo baahida loo qabo xasilooni iyo nabad-gelyo shacabka deegaanku helaan oo ku sheegay inay tahay sababtii ugu muhiimsanayd ee ciidanka Qaranku ula wareegaan magaaladaas oo hoy u ahayd Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo.

“Wax badan bay dhibaato ka jirtay deegaankan, waxaanse filaynaa Insha Allah dhib walba inay maanta ugu dambayn doonto, oo nabadda iyo wada-noolaanshaha dadka walaalaha ah aynu maanta unugno si ay wanaag ugu wada-noolaan lahaayeen. Aniga iyo wasiirrada kale ee ila socdaa waxaanu idinla soconnaa horumar, waxaanu imika sidno iyo wax dib ka iman doona. Waxaanu ku faraxsannahay sida aad noo soo dhawayseen,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Munaasibadda soo-dhawaynta ah ka dib, weftiga xukuumaddu waxa ay qaabileen 150 Askari iyo 10 baabuurta tiknikada ah oo ay wateen oo lagu qarameeyey ciidanka Qaranka.

Wasiirka Kheyraadka Biyaha Somaliland Md Xuseen Axmed Cabdulle oo ka hadlay qarameynta ciidanka, ayaa yidhi, “Aniga maanta sharaf gaar ah ayay ii tahay. Waxa lay magacaabay 24 June, 2013-kii, waa ciidankii labaad ee aan ka qayb-galo qaramayntooda, ciidankiina waxay ku jiraan ciidanka qaranka. Idinkana waxa laydkinka doonayaa oo idin fuulaya waajibaadkiina oo la idinka doonayo inaad sidii u qaadataan awaamiirta laydin siiyo.”

Sidoo kale, wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la hadlayey ciidamada cusub ee lagu qarameeyey Ciidanka Qaranka, waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waanu ku faraxsannahay inaanu idin kala qayb-qalno munaasibaddan ciidanka lagu qaramaynayo. Waanu soo dhawaynaynaa garashada fiican iyo garwaaqsigiina ah aan wax wada-qabsanno oo Qaran wada-dhisanno. Ciidanka Qaranka marka la leeyahayna waa astaanta Dawladnimada, haddaanu ciidan jirina dawladnimadu ma tamariso. Markaa waxaad qayb ka noqon doontaan dawladnimada oo qaybtiina fuulisaan. Waxa loo baahan yahay intaydaan meel kale gaadhin inaad ilaalisaan deegaankan nabad-gelyadiisa, maanta laga bilaabana, 150-ka halkan lagu qarameeyey waxay la mid noqon doonaan ciidamadii hore u jiray, derejooyinkoodana waxa loo gudbin doonaa guddigii derajada qiimaysay. Mana Ujeeddadu 150-kan ayaa lagu daynayaa ee hadday kumanaan gaadhaan waa la qaramaynaa cid dalkan iyo deegaankan anfacda.”

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxa uu sheegay in ujeeddada socdaalkoodu ka qoto-dheeryahay Qaramaynta Ciidamada deegaanka, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Sidoo kale, waxaanu ku talo-galnay ciidan boolis ah oo soddon xubnood ah oo ciidamada lagaga ururiyo oo magaalada Nabad-gelyadeeda ka shaqeeya. Sidoo kale, mashaariicda adeegyada bulshada waxbarashada, Caafimaadka, biyaha ee dawladdu doonayso inay ka fuliso deegaankan inay helaan maamulkii oo uu ugu horeeyo ciidankii ilaalin lahaa,” ayuu yidhi Md Xirsi.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment