Thursday, June 26, 2014

Wasiirka Maaliyadda oo Guddiga Dhaqaalaha Wakiillada Warbixin ka siiyey heerka Dakhli-soo-saarka 2014 iyo Oddoroska Miisaaniyadda 2015

 “Waxaad noqon doonaan Hay’ad Qaran oo na kaantarroolaysa oo aannu wada shaqaynayno, waxaan ogahay Golaha Wakiilladu doorka uu leeyahay ee ay tahay inuu qaato..” Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale

 

Hargeysa, 26 June, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa Xafiiskiisa shalay kulan kula yeeshay Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada dalka oo ay ka wada-hadleen Oddoroska Miisaaniyadda 2015-ka iyo weliba heerka Dakhli-soo-saarka sannadkan aynu ku jirno 2014.

1514Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Samaale, waxa uu Guddiga faahfaahin ka siiyey heerka Miisaaniyadda iyo Dakhli-soo-saarka sannadkan, waxaanu yidhi; “Bajadka (miisaaniyadda) 47 Milyan laga soo qaaday ee maanta boqol iyo laba iyo Konton Milyan maraya ka xukuumadda, ka dawladdu laba boqol iyo laba iyo toban Milyan weeye marka hay’adaha dawladda ee kale lagu daro ee ay ka midka yihiin Wakaaladaha Biyaha, Hay’adaha Korontada, Baanka, dawladaha hoose iyo 15 Milyan oo innaga soo gaadha Mashruuca horumarinta Somaliland marka la isku wada daro laba boqol iyo laba iyo toban Milyan waaye, waa tiro aan qarsoonayn, Bajadka dawladdu awal muxuu ahaa? Cidi may ogeyn.”

Wasiir Samaale waxa uu sheegay inuu Guddiga dhaqaalaha u soo jeedinayo inay kala qayb-qaataan arrimahaas, waxaanu uga warramay dhismayaasha dawladda ee socda iyo kuwa dhismay oo uu sheegay in Wasaarado badan iyo Hay’ado dawladi ah loo sameeyey dhismayaal bilicsan oo casri ah, qaarna ay hadda dhismayaan oo ay hawshoodu socoto, waxaasna inta badani aanay meel kale ka iman ee ay tahay hantida dawladda iyo Miisaaniyadda Qaranka.

Wasiirka maaliyada iyo gudida dhaqaalaha wakiiladaWaxa uu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu sheegay in Xafiis kasta oo Maaliyaddu leedahay oo Dakhli soo saar u furan yahay Guddi ahaan si ay xogta dhabta ah u ogaadaan, waxaanu yidhi, “Dadka shaqaynayaad ka war-dooni doontaan, Dakhliga soo baxa ayaad ka war heli doontaan, waxaas oo dhami ma noqon doonaan wax idinka qarsoon, waxaad ogtihiin bay noqon doonaan, dabadeedna waxaannu u baahannahay inaannaan keliya annagu Warbaahinta ka hadale idinkuna aad ka hadashaan oo aad nagala qayb-qaadataan oo dadweynaha nagula dhiirrigelisaan Cashuurta inay si wanaagsan u bixiyaan, oo aad ka hadashaan sidaannu u shaqayno iyo siday tahay in loo shaqeeyo.”

“Waxaad noqon doonaan Hay’ad Qaran oo na kaantarroolaysa oo aannu wada shaqaynayno, waxaan ogahay Golaha Wakiilladu doorka uu leeyahay ee ay tahay inuu qaato, waayo waxaynu nahay dad Gole ku wada jiray oo in badan is-fahmaya,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaanu Guddiga dhaqaalaha u ballan-qaaday inay si furan uga wada-shaqayn doonaan Oddororska Miisaaniyadda sannadka soo socda ee 2015-ka.

Xildhibaannada Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Cumar San-wayne, Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye iyo Mudanayaal kale oo Guddigaas ka tirsan oo iyaguna Wasiirka ka dib kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inay u mahad-celinayaan Wasiirka Maaliyadda oo ay xuseen inuu si qiimo leh u soo dhaweeyey, isla markaana uu siiyey warbixin fiican oo ay ku qanceen, taasoo uu ka muuqdo dedaal lagu farxo oo ay sheegeen inay aad ugu diirsadeen.

Xubnaha Guddiga dhaqaalaha Golaha Wakiilladdu waxay u ballan-qaadeen Wasiirka Maaliyadda inay si hagar la’aan ah ugala shaqayn doonaan sidii ay u samayn lahaayeen dedaal wada-jir ah oo kor loogu qaadayo Dakhliga dalka iyo sidii Bulshada loogu wacyigelin lahaa bixinta Cashuurta oo ay xuseen inaanay la’aanteed dawladdu waxba qaban karin, dalkana dhaqaalihiisu koboc samayn karin, balse haddii Muwaaddiniintu cashuurta si waddaniyad leh u bixiyaan wax badan la qaban karo, dhaqaalaha dalkana kor loo qaadi karo.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment