Wednesday, June 25, 2014

Dhuxusha Sida Sharci-darrada ah Loo Dhoofiyo Oo La SHeegay inay Shabaabku Ka Helaan $56 million oo Dollar Sanadkiiba

Nairobi:June,25,2014(Himilo)-Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday Ilahaa rasmiga ah ee ay kooxda Al-shabaab ka hesho Lacagaha ay ku debberto Nolosheeda iyo Hubka ay gacanta ku Hayso.

duhexHay’adda Qaramada Midoobay u qaabislan Arrimaha Deegaanka eeUNEP, ayaa sheegtay in ganacsiga sharci-darradda ee Foolasha Maroodiga iyo  Dhuxusha sida sharci-darradda loo iib geeyaa ay yihiin ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee Kooxahaasi ku fuliyaan Hawlahooda Nololeed iyo weerarradoodaba.

Warbixinta oo shalay la shaaciyey ayaa lagu soo bandhigay dhaqaalaha ay Xarakadda Alshabaab ka helaan iibinta dhuxusha laga dhoofiyo Deegaanadda ay gacanta ku hayaan.

Hay’adda UNEP waxay warbixintooda ku xuseen inay Xarakadda Alshabaab ganacsiga dhuusha uga soo xeroodaan lacag u dhexeysa 38 million oo Dollar ilaa 56 million oo Dollar sannadkiiba.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in Jabhadda LRA-da ee ka dagaalanta qeybo ka mid ah dalka Uganda ayaa iyagana ka macaasha Malaayiin Dollar iibinta Foolasha Maroodiga.

UNEP waxay ku qiyaastay Jabhadda LRA-da inay ganacsifa Foolasha Maroodiga ka heleen lacag u dhexeysa 4 million ilaa 12-million sannadkiiba,

Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Barnaamijka Deegaanka (UNEP), Achim Steiner ayaa Macaasha Kooxahaasi ku tilmaamay sheeko weyn oo tiiraanyo leh, isla markaana lagu cabsi-gelinayo Mujtamacyadda iyo Dhaqaalaha Caalamka.

Waxa uu intaasi ku daray inay dejiyeen qiyaasta heerka Qaran iyo Heerka Caalamiga ee ganacsigaasi sharci-darradda ee wax loogu dhimayo Deegaanka iyo Duur joogta.

Warbixinta ay Hay’adda UNEP shalay soo saartay ayaa waxay tahay Warbixintii ugu horreysay ee laga soo saaro Shirkii muddada Toddobaadka ee xubnaha Golaha Hay’adda QM ugu qaabilsan Deegaanka ku yeelanayaan caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment