
Waftigan ayaa lagu wadaa inay Kulamo kala duwan la yeelan doonaa Shacabka kala duwan ee Deeganadaas ku nool, waxana ay halkaas ka Alkumi doonaan dhagax dhigga Waxyaabaha Baahiyaha koowaad u ah Nolosha oo gebi ahaanba ka maqan deeganadaas oo in badan ka maqnaa Gacanta Xukuumadda Somaliland.
Sidoo kale, waxa ku wajahan magaaladda taleex Gadiid sida Lix kun oo qoys raashinkood, kuwaasoo kaabiga u saaran inay gaadhaan marka weftigu dhamaysto kulamada uu la leeyahay Dadweynaha iyo masuuliyiinta deegaankaasi, waxana lagu wadaa in raashinkaas loo qaybin doono dadka jilicsan ee Deegaankaas ku nool.
Xukuumadda Somaliland ayaa u xadhko xidhatay sidii ay deegaanada ay ka saartay Khaatumo gacanta ugu dhigi lahayd isla markaana uga hirgalin lahayd mashaariic dhinaca Maamulka Dawliga ah, si aanay ugu soo noqon kooxdaasi goobaha laga qabsaday.
Sidoo kale wada lagu wadaa in Halkaas laga aasaaso oo la Magacaabo Masuuliyiinta Xukuumadda u fadhiyi doona Deegaanadaas, waxana Wasiirrada ay shaqadoodu tahay inay xilalka Ammaanka iyo arrimaha Bulshada la xidhiidha Magacaabaan soo saari doonaan Dhawaan cidda Somaliland u meteli doonta Deegaanka ee Lagala xisaabtami doono, sida Booliska iyo arrimaha Dawladaha Hoose.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment