Sunday, June 22, 2014

Guddiga doorashoyinka Qaranka oo Sharraxay ujeeddada diiwaangelin tijaabo ah oo ay ka bilaabeen Hargeysa iyo Baki

Hargeysa, 22 June, 2014 (Himilo)- Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shalay subax diiwaangelin tijaabo u ah diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka ka bilaabay laba goobood oo ku yaalla degmooyinka Baki iyo Hargeysa, isla markaana lagu ogaanayo tayada qalabka dadka lagu diiwaangelin doono, in dad badani ku noqnon karaan ama ku celcelin karraan oo ay kaadhadh badan qaadan karaan iyo in qofka mar is-diiwaangeliyey mar labaad inuu ku soo noqdo uu fashilinayo agabkaasi iyo in kale.

downloadGuddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi Geelle, ayaa Warbaahinta u sheegay inay diiwaangelintaas tijaabada ah ay shalay ka bilaabeen magaalada Hargeysa oo hal goob ah iyo degmada Baki oo ka tirsan gobolka Awdal oo iyaduna hal goob ah. Waxaanu intaas ku daray in qalabka ay wax ku diiwaangelinayaa yahay qalab ay tayadiisa hubinayaan oo aanu ahayn mid ay weli si rasmi ah u soo iibsadeen.

“Halkan saaka (shalay subax) waxaannu ka bilawnay diiwaangelin tijaabo ah, dadku yay u qaadannin inay diiwaangelinti bilaabantay, may bilaabmin ee waa tijaabo aannu qalabka ku tijaabinayno. Sidaad ogtihiin mushkiladda ku celcelinta diiwaangelinta iyo doorashadaba sida keliya ee aynu kagaga bixi karnaa waxa la isla gartay inay tahay diiwaangelin, diiwaangeintaasna qofkasta oo Muwaaddin ahi hal mar uun is-diiwaangeliyo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiye Geelle oo sii wata hadalkiisa waxa uu intaas ku ladhay oo yidhi. “Si haddaba dadka ku cel-celinaya loo qabto, ayaa qalabka lagu qabto farahaa laga dhigaa, ama Sawirka wejigaa laga qaadaa, nadaamyo kale ayaa jira, kuwaas ayaannu in badan derisnay, waxa dabadeed la isla gartay macaa khuboradii caalamka iyo intayadii halkan joogtay in Isha oo Wiilka labada indhood laga sawiro ay tahay farsamada ugu fiican ee lagu qaban karayo qofku inuu ku celceliyey iyo in kale.”

Maxamed Axmed Geelle oo qaabkaa sii sharraxayaa waxa uu yidhi, “Markaa, macneheedu waxa weeye haddii Sawirka Wiilka laga qaado hadduu qofku dhawr jeer galay qalabka marka la geliyo waxa uu sheegayaa in qofkaasi dhawr jeer ku noqday xataa hadduu magacyo kala duwan iyo da’ kala duwan sheegto Sawirkii Wiilka ayuu soo saarayaa qalabkani. Kolkaa qalabkii baa qayb ka mid ah aynu waddanka keennay oo aynu immika tijaabo ku samaynaynaa.”

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Geelle waxa uu sheegay in tijaabada ay samaynayaan wixii ka soo baxa ay ku go’aan qaadan doonaan, maaddaama oo aanay Somaliland qalab samaysan ee ay dunida ka soo iibsato, qofkasta oo wax iibinayaana wixiisa xayeysiinayo si ay u ogaadaan qalabka tayo ahaan ay u baahan yihiin ay markaas ka dib soo iibsan doonaan.

Mar uu Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland ka hadlayey dadka loogu talogalay inay tijaabada ka qayb-qaataan waxa uu yidhi, “Waxaannu go’aaminnay inaannu laba goobood ku tijaabinno oo ah goob Hargeysa ah iyo meel miyi ah oo aannu u doorannay degmada Baki oo ay ku maqan yihiin saddex xubnood oo Guddiga doorashada ka tirsan, saddexna halkan baannu ku joognaa. Waxa kale oo goob-joog ka ah tijaabadan oo nala jooga Asxaabta Qaranka, Ururrada Bulshada iyo Akaademiga nabadda.”

“Dadka galayaa waa dad cayiman, dadkoo dhan haddaannu u furno oo nidhaahno kaalaya tijaabiya way badanayaan, markaa 300 baa galaya, saddexdaa boqol ee qof saddex cisho ayaa la diiwaangelin doonaa, saddexdaa boqol laba boqol baa ku celcelinaya is-diiwaangelinta si loo ogaado waxa uu qalabku qabanayo iyo in la ogaado wakhtiga lagu diiwaangelin karo qofkiiba, waayo hadhaw ayay saamayn innagu yeelanaysaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Maxamed Axmed Xirsi Geelle.

Sidoo kale, Xubnaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ee bilawga diiwaangelinta tijaabada ah ka bilaabay degmada Baki ee gobolka Awdal, ayaa sheegay inay toddobadii subaxnimo ee shalay bilaabeen diiwaangelinta tijaabada ah, isla markaana ay si fiican ugu socoto. Waxaanay sidoo kale sheegeen in saddex boqol oo ruux oo tijaabo ah halkaas ka diiwaangelin doonaan oo laba boqol oo qof ay ku noqnoqon doonaan is-diiwaangelinta.

Guddoomiyihii hore ee Guddigaas Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari) oo ka mid ahaa Xubnaha Baki jooga, ayaa sheegay inay indhuhu yihiin meel xasaasi ah oo ay adag tahay inay dadka la diiwaangelinayaa isku dayaan inay isticmaalaan waxyaabaha dareeraha ah ee had iyo jeer ay dadku isagaga maydhaan khadka diiwaangelinta iyo doorashooyinka si ay ugu celceliyaan. Sidaa awgeedna uu rejaynayo inay aad uga fiicnaan doonto diiwaangelinta soo socataa inay noqoto mid ka fiican tii dalka laga qabtay dabayaaqada sannadkii 2008 illaa bilawgii 2009-kii oo fashilantay, balse hal doorasho markii lagu galay la laalay jiritaankeeda.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment