Sunday, June 22, 2014

Guddoomiyaha KULMIYE Muxuu kaga jawaabay inuu hankiisii Musharraxnimo kaga tanaasulay Miisaan Lacageed?

“Dad badan oo cadhaysan oo saaxiibbaday ah oo taageerayaashayda ah waan hubaa inay jiraan. Laakiin, dalkan Rag badan oo aan ka mid ahay….” “Anigu haddaan wax waayo Macallin KULMIYE ayaan ahay, waxna ma waayayo haddaan Musharraxnimo ka hadho…” Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi

 

Hargeysa, 22 June, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday inuu ka tanaasulay Musharraxnimada jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas oo uu hore u sheegay inuu u tartamayo, isla markaana khilaaf iyo kala-fogaan ka dhex-abuuray KULMIYE.

Tanaasulka Muuse Biixi oo soo baxday habeen-hore, ka dib markii ay Ganacsato ahi ay ku qanciyeen inuu tanaasulo, isla markaana ay kulan gaar ah isku horfadhiisiyeen Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi. Waxaanu kulankaas ka dib Guddoomiye Biixi, tanaasulkiisa ku caddeeyey Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta dhexe ee KULMIYE ku leeyahay magaalada Hargeysa, isaga oo ku dooday haddii uu Musharraxnimadii Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE uu waayey inaanu waxba waayeynin.

MUUSEWaxa kale oo uu Guddoomiyaha KULMIYE Shirkaa Jaraa’id ku faahfaahiyey oo uu ku sheegay in khilaaf muddo laba sano ah soo jiitamayey uu ka dhexeeyey Xisbiga KULMIYE, isla markaana dib-u-dhacyo ku yimi Shirweynihii saddexaad ee Xisbigaas iyo is-jiidjiidad ka horreeyey iyo mid ka dambeeyey-ba ay salka ku hayeen jagada Musharraxnimada jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas oo ay isaga iyo Madaxweynaha mid waliba gaarkiisa u sheegay inuu u sharraxan yahay, ka dibna khilaafkaasi laba garab u qaybiyey.

“Waxay arrinta oo dhami ku socotay Musharrax ama farsamo naga jiitantay ha haato ama yay ahaannine, waxa aakhirkii isasa soo horjoogsaday aniga oo Guddoomiyaha ah iyo Madaxweynaha, tartankayagaasi weliba xadaafiir badan oo aannaan u baahnayn Xisbigaya dhexdiisa iyo Qaran ahaanba wuu keenay. Haddii tartan dhaco cid-baa adkaata, cidna waa la reebaa cidina way soo baxdaa KULMIYE Musharrax qudha ayuun buu yeelanayaa sida Xisbiyada kale oo dhanba.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay in sida Xulalkii Ciyaaraha Kubbadda Cagta ee Koobka Adduunka ka laablaabtay oo kale uu u laablaabtay hankiisii musharrannimada Madaxweynaha KULMIYE, waxaanu yidhi; “Malaha qoladiinna Kubbadda taqaannaa Spain oo koobka eegaysay-ba waa laga saaray Saaxadda, way iska laablaabatay, England oo Ciyaaraha soo aasaastay-na way iska laab-laabatay. Markii KULKMIYE iyo Odayaashiisii iyo dadka Xooggiisiba ay isu yimaaddeen ninka la reebay ee laablaabtay waa aniga,  taana waan qaatay, ninka Musharraxnimada loo daayey ee Musharraxa noqdayna waa Madaxweynaha, waa ciyaar ay Siyaasadda, Kubbadda iyo noloshu-ba leedahay.”

“May ahayn in nin waliba yidhaahdo Musharraxnimada waan qaadanayaa, haddii kale waan burburinayaa (Xisbiga), ma noqonayso haddii la I reebo waan dudayaa, ma noqonayso haddii Gar-darro iyo wax la ii geystay Ciil baan ku qabayaa, intaa waan ka weynahay, Xisbiga waan u tudhaynaa, lexejeclaan ka qabnaa, mustaqbal dheer oo boqollaal sano ah inuu dalka  ka taliyaannu doonaynaa. Anigu haddaan wax waayo Macallin KULMIYE ayaan ahay, waxna ma waayayo haddaan Musharraxnimo ka hadho,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu Muuse Biixi ku dooday in aanu tanaasulkiisa dhib ku lahayn, balse uu garawsan yahay dad badan oo garab-taagnaa isaga inay tallaabadan ka cadhaysan yihiin, waxaanu yidhi, “Qarankeennu tuu maanta ku jiro waynu u baahannahay in cid laga adkaado oo ay qaadato oo danta iyo Qaranka ay u tudho, taasina aniga wax weyn iguma aha. Dad badan oo cadhaysan oo saaxiibbaday ah oo taageerayaashayda ah waan hubaa inay jiraan. Laakiin, dalkan Rag badan oo aan ka mid ahay waxay u soo mareen wax waxan ka adag, qofku marka hore hadduu naftiisoo qudha wax u doonayo, shaqo dan gaar ah, wuu dudi karaa, wuu cadhoon karaa, kolba meel buu u boodi karaa.”

Mar uu Guddoomiyaha KULMIYE ka hadlayey sababta uu u doonayey inuu Madaxweyne isu-sharraxo ama u tartamo, waxa uu yidhi, “Anigu haddaan Musharraxnimo doonayey waxa qudha ee ay ahayd waxaan u socday wax badan oo waayo-aragnimo ah waad leedahay, dadkuna halgan dheer u soo maray uu jiro tolow bal is-tijaabi inaad waddadeedii wax ka tari karto, inaan ku soo bixi lahaa iyo in sida Ragga qaar eedi iga raaci lahayd Illaahay baa og.”

“Meel horaaba la igu joojiyey, ciddii I joojisay waa Hay’adaha Qaranka ugu waaweyn, Guurtidaa I xukuntay, wax walba Madaxweynuhu sidu yidhi baannu raacaynaa ee raac baa la I yidhi, waan aqbalay. Qoladan Ganacsatada ah ee immika arrintan gashay ee iyana tidhi ka hadh oo raac ee xukunka keentay tii Guurtida ayuun bay daba-socotay oo ay sii naaxnaaxinayeen, wax caadi ah ayaan u arkaa oo aan laga dudin.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo la weydiiyey maaddaama oo ay isaga iyo Saaxiibbadiisa KULMIYE ee Madaxweynuhu ugu horreeyo uu dagaal siyaasadeed iyo wax kala-jiidasho dhex-martay Musharraxnimadiisa awgeed, waxa uu hankiisii xafiiltanka keenay ku beddeshay iyo waxa ka jira in magdhaw siyaasadeed la siiyey (Lacag), waxa uu ku jawaabay, “Horta, marka hore hadduu qofku dan iyo gorgortan u galo siyaasadda oo Xisbigan gal aad wax ka heshide, is-sharrax oo ku gorgortan, taa ma geyo, Raggan ila joogaana ma geyaan, noloshayada intii badnayd waxaannu u hurnay inuu dalkani wax noqdo, Musharraxnimadayduna iga mabda’ bay ahayd, ragganna waxay halkan iigula dhinteen oo iigu soo hadheen mabda’ bay naga ahayd,” ayuu yidhi Guddomiyaha Kulmiye.

Muuse Biixi oo jawaabta uu su’aasha kor lagu weydiiyey sii wataa waxa uu yidhi; “Haddii dadkii isku-afgaran waayey, Xisbiguna khatar ku galay, dalkana khalkhal ay gelinayso, anaa ka hadhay, waxaan siistay nabadgelyada dalka, waxaan siistay jiritaanka dambe ee Xisbigayga, waxaan siistay midnimada ummaddayda, taasaan siistay, waxaan ka horreysiin lahaana ma jirto. Intaannu nolosha noolayn halgan baannu ku jirnay, waxna nalaguma iibsan karo, mabda’ayaguna mid la baayaco maaha, mid meesha qabatana maaha.”

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland                                                  

 

 

No comments:

Post a Comment