Waxay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay Guddoomiyihii Wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times, Yuusuf Cabdi Gaboobe, saddex sano oo Xabsi ah, halka Tifaftiraha Haatuf lagu xukumay afar sano oo xadhig ah iyo Wargeysyadaas oo Maxkamaddu sheegtay in lagu xukumay in lagala noqdo Ruqsadda oggolaansha ah oo aanu dib loogu daabin dalka iyo Konton Malyan oo ganaax ah oo Lacagta Shilinka Somaliland ah.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro oo ka hadlay xukunkaas waxa uu yidhi, “Waxaan Doonayaa in aan Erayo kooban ka idhahado Xukunkii saaka Lagu riday Masuuliyiinta Haatuf, Guddoomiyihii iyo Tifatirahaba iyo waliba Xaruntii wargeyska oo rusqadii lagala noqday, Somaliland waa qaran aynu doonayno in aynu wadda daafacno iyo in aynu wadda dhisno, iyo in aynu Ictiraaf raadino, Somaliland waxaynu ku iibinaynaa in ay jirto saxaafad hor ah, Somaliland waxaynu ku iibinaynaa in xoriyatulqawl jirro, Somaliland waxaynu ku iibinaynaa in Xuquuqal insaanka la ilaaliyo.”
“Xukunka Maxkamada Haatuf waynu sugaynay, laakiin sidda la iisheegay saaka Subaxdii hore aniga oo xafiiska fadhiya waxa dhacay waxa dhaqanka garsoorka ku cusub, oo ah Maxkamad xukunkeed oo la midi-roorteyey, iyada oo aanay joogin eheladii Yusuf iyo Tafatiruhu, iyada oo aanay joogin saxaafadu, iyada oo aanay joogin Nimankii u doodayey Masuuliyiinta Haatuf, iyada oo loo diiday dadkii farro ku tiriska ahaa ee goobta Joogay, iyada oo nidaamka maxkamada ka baranay ay hayd in maxkamadu noqoto mid furan,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro.
Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo hadalka sii wataa waxa uu yidhi; “Waxaannu si adag u cambaareynaynaa qaabka uu u dhacay Xukunka Masuuliyiinta Haatuf, haddii xukunku cadaalad yahay may jirteen sabab xukunka loo qariyo oo ehelleda looga qariyo, oo saxaafada looga qariyo, waxaanay u eegtay in xukunkaasi si cadaalad ah aanu u dhicin, waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa in la soo celiyo madaxbanaanidii garsoorka Somaliland, kana madaxbanaanado wax kasta oo siyaasad ku saabsan.”
Cabdiraxmaan-Cirro oo Baaq u diraya Xukuumadda talada haysa waxa uu yidhi, “Waxaannu Xukuumadda ugu baaqayna inay xorriyaddooda u soo celiso Masuuliyiinta Haatuf, waxay ahayd in Xeerarka Saxaafadda lagu maamulo Xukunka Suxufiyiinta, balse waxa iska cad in aan Xeerkii lagu dhaqmin, laguna xukumin oo Xeerar kale lagu maamulay, waxaannu u soo jeedinaynaa in Saxaafadda sideedaba lagu maamulo Xeerka Saxaafadda, arrintaasi waa farriin aanu u dirayno Xukuumadda, Garsoorka iyo Beesha caalamka-ba.”

Waxaanu Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wataa intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Waxay ahayd in lagu qaado Xeerka Saxaafadda ee Xeer NO: 27/2004 ee Baarlamaanku ansixiyey, ee may ahayn in lagu qaado Xeerka Ciqaabta, sababta oo ah Cid muu dilin, cidna waxba umuu geysan. Xeer Saxaafadeed baynu leenahay oo Baarlamaanku innoo ansixiyey, waxaynu noqonaynaa sidii Miyi aan dawladi ka jirin oo kale, dawladda waxa laga filayaa inay Shuruucda dalka ku ilaaliso, maaha inay iyadu ka booddo, oo kolba kii ay neceb tahay ay Sharci jeebka ugala soo baxdo oo ay u isticmaasho maaha.”
“Yuusuf Cabdi Gaboobe Salaasadii shalay ayay ahayd in Maxkamadda la keeno, dawladdu Muddaharaad bay ka baqatay oo lama keenin, balse saaka lixdii Subaxnimo ayaa isagoo keligiiya la keenay Maxkamadda oo la xukumay sidii Maxkamadihii Xukunkii Millateriga ahaa oo kale,” ayuu yidhi Musharraxa Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen. Waxaanu ku baaqay in dib loo eego go’aankaas sharciga baal-marsan ee ka soo baxay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ee Masuuliyiinta Haatuf iyo Hay’addooda Warbaahineed lagula kacay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment