
Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay xadhigga madaxda UCID iyo saxaafadda ku marin-habaabinayso wax uu ku tilmaamay baylah ka muuqata maamulkeeda oo ay dadweynaha ka jeedinaysa, waxaanu sheegay inay dacwad la xidhiidha xadhigga madaxda UCID u gudbiyeen Ururrada Caalamiga ah ee Xuquuqal-Iinsaanka
“Waxaan halkan ka sheegaynaa inaanu ururrada Xuquuqal-iinsaanka u gudbinnay xadhigga lagula kacay Xaliimo Raage, maanta (shalay) London bay ku shirayaan oo arrin bay ka shirayaan, jawaabta ay ka soo bixiyaanna waad arki doontaan, laakiin uma dul-qaadan doono sharci-darrada xukuumaddu ku hayso shacbiga Somaliland, Xisbiga UCID iyo saxaafadda Madaxa-bannaan,” sidaa waxa yidhi Xog-hayaha warfaafinta ee xisbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdilaahi, waxaanu intaas raaciyey, “Waxaanu adduunweynaha u sheegaynaa inaanay xukuumadda Somaliland dheg-jalaq u siinayn Xeerarka iyo shuruucda dalkani ku kala hagmo,” ayuu yidhi.
Waxa uu Xukuumadda ugu baaqay inay shuruud la’aan xoriyaddooda ugu celiso Madaxda Xisbiga UCID iyo dad kale oo loo xidh-xidhay magaca xisbiga.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment