Malabo, 28, June, 2014-(Himilo):- Shir-Madaxeedka dalalka Bariga Africa oo Khamiistii ka furmay magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea, ayaa Jimcihii shalay Madaxdu ku saxeexeen heshiis dhigaya in si rasmi ah loo howlgaliyo Ciidammada heeganka ee ay yeelanayaan dalalka ku bohoobay Bariga Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo (EASF).

Waxa Shirkaas aad looga hadlay qodobbo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen ka hor-tagga iyo la-dagaallanka hawlgallada Ururrada Argagixisada ah ee ay ugu horreyso Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallami jirtay dalka Soomaaliya, balse shirkaas laga sheegay inay hadda ku sii fidayaan dalalka Geeska Afrika oo uu ugu horreeyo Waddanka Kenya oo ay hawlgallo badan oo argaggixisa-nimo ka fuliyeen labadii sano ee u dambeeyey.
Sidoo kale, waxa Shir-Madaxeedka 23-aad ee dalalka Bariga Afrika diiradda lagu saaray, laguna falanqeeyey horumarinta Beeraha iyo amniga cunnada, taasoo ujeeddadeedu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa dedaalka loogu jiro kor-u-qaadista wax-soo-saarka Beeraha Qaaradda Afrika. Waxay Madaxda Shirka isugu tegay ka hadleen helitaanka hannaan lagaga hor-tegi karo Fakhriga iyo Cunto-yarida, waxaanay halkaas ka caddeeyeen in loo baahan yahay baahida loo qabo in la helo nidaam iyo qorshe cad oo isbeddello cusub oo dhinaca wax-soo-saarka ah lagu sameeyo iyo abuuridda iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Ururrada Beeralayda Qaaradda.
Waxa kale oo Shirkaas ay Madaxda dalalka Bariga Afrika kaga hadleen, kobcinta dhiirrigelinta iyo Suuq-geynta wax-soo-saarka Beeraha, kobcinta aqoonta iyo Xirfadda ay u baahan yihiin Beeralayda iyo abuuritaanka fursado shaqo oo ay helaan dhallinyarada dalalka Bariga Afrika. Waxaana Shirkaas lagu ammaanay tallaabooyinka ay sannadkii u dambeeyey qaadday dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sida nabadeynta Beelo diriray, la-dagaallanka Kooxda Al-Shabaab iyo inay dhinacyada adeegyada horumarka iyo kaabayaasha noqolasha qaarkood wax ka qabatay.
“Soomaaliya waxay kasoo kabanaysaa dhibaatooyinkii gaaray, waxyaabaha qorshaha noogu jira waxaa ka mid ah sidii dib loogu soo nooleyn lahaa wax-soo-saarka Beeraha Soomaaliya si kor loogu qaado dhaqaalaha dalka, loona abuuro shaqooyin dadka Soomaaliyeed ay helaan si loo yareeyo shaqo la’aanta.” Sidaa waxa yidhi Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed oo ka hadlay Shirkaas, waxaanu Raysal-wasaaruhu soo dhaweeyey Heshiiska dhex-maray Madaxda dalalka Bariga Afrika ee ay shirkaas ku saxeexeen shalay oo uu ku tilmaamay mid guul ah.
Raysal-wasaarraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed waxa kale oo uu ka warramay nuxurka kulanka dhex-maray Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaanu yidhi; “Qaramada Midoobay waxaa ay gacan muuqata ka gaysatay ammaanka, xasiloonida, dhismaha dawladnimada iyo taageero joogta ah, waan uga mahad-naqaynaa taageerada kala duwan. Waxyaabaha aan kala hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, waxaa ka mid ah sidii Qaramada Midoobay ay u dadejin lahayd gargaarka aan doonayno in la gaadhsiiyo qaybo ka mid ah Soomaaliya oo ay ka jirto cunno-yari, arrimaha qaxoontiga iyo in ay Qaramada Midoobay ay sii xoojiso taageerada ay noola diyaarka tahay xilligan muhiimka ah .”
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay u fidinayaan dawladda Soomaaliya, isla markaana ay go’antahay in ay Soomaaliya aanay dib ugu laaban dhibaatooyinkii ay hore u soo martay, balse ay ku dedaalayaan sidii ay hore ugu sii socon lahayd, loona soo afjari lahaa dhibaatooyinka soo jiitamay iyo kuwa hadda ka taagan dalkaas-ba.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment