
Gudoomiyaha Jazriiada Lamu Stephen Ikua ayaa sheegay inaan la kala cadeynkarin ragga weerarka soo qaaday ,wuxuuna hadalkiisa kudaray in weerarkan looga cabsi qabo iney kadambeeyaan Al-Shabab.
Stephen ayaa sheegay iney ciidamo dheeraad ah udaabuleen goobta dhibaatadu ay kadhacday ee dadka lagu laayey.
Magaalada Witu ayaa 40 Km ujirta magalada Mpeketoni halkaa oo weeraradii ugu dambeeyay ee ay Al-shabab kuqaadeen ay kudhinteen ilaa 65-ruux.
Raggii Mpeketoni soo weeraray bishan gudaheeyda ayaa iyagu gubay dhismooyin, hotelo iyo guryo iyadoo ilaa 500 oo qoysna ay ka kabarakaceen magaaladaasi.
Al-shabab ayaa sheegatay masuuliyada weeraradii Mpeketoni wallow madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta uu masuuliyada weeraradaasi dusha ka saaray siyaasiyiin reer Kenya ah.
Weerarkan ugu dambeeyay ayaa imanaya xili dowlada Kenya ay sheegtay in duqeyn xaga cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaheyda dagaalka ay ku dileen ku dhawaad 100-katirsan Al-shabab
Himilo Media
No comments:
Post a Comment