Tuesday, June 24, 2014

Somaliland oo Xafiisyo Goraygu ka hadaafay oo Nairobi ku yaala Xal uga raadinaysa Wacad-fur dawladda Soomaaliya Ku Xagal-daacisay Wada-hadallada laba dal

Nairobi, 24 June, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa xal ka raadinaysa Kob ama meel Goraygu ka hadaafay oo ah Xafiisyada ay Nairobi ku leedahay Hay’adda ICAO oo gacanta ku haysa Maamulka Hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay dawladda Soomaaliya toddobaadkan sheegtay inay ku guulaysatay saxeexa heshiis ay bilaha sannadkan kula wareegayso, taasoo ay Hawada Somaliland-na qayb ka tahay, ka dib markii uu Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, socdaal qarsoodi ah ku tegay Axaddii Nairobi.

Wasiir-Duulista-HawadaInkasta oo aanu Wasiirku Safarkiisa Nairobi wax war ah ka soo saarin, haddana ilo-wareedyo u dhuun-daloola Wasaaradda Duulista, ayaa Wargeyska Himilo u xaqiijiyey, in sababta Wasiirku wakhtigan u tegay Nairobi tahay arrimo la xidhiidha Maamulka Hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay 20-kii sano ee u dambeeyey gacanta ku haysay Qaramada Midoobay oo ay toddobaadkan Xukuumadda Soomaaliya sheegtay inay si rasmi ah ula wareegeyso bilaha soo socda ee sannadkan gudihiisa, hawadaas oo ay ku jirto ta Somaliland-na.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Duulista Hawada iyo Cirka ee Soomaaliya Siciid Jaamac Qoorsheel oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa Safar doonista Maamulka Hawada Soomaaliya ah ku tegay magaalada Montreal ee waddanka Canada oo fadhigeedu yahay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Hawada iyo duullimaadyada ee magaceeda loo soo gaabiyo ICAO, ayaa sheegay inay la kulmeen Madaxweynaha iyo Xoghayaha guud ee ICAO, isla markaana shir laba cisho socday ka dib ay ku heshiiyeen in Soomaaliya lagu wareejiyo Maamulka Hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, taasna ku tilmaamay guul Soomaali u soo hoyatay.

Wasiir Qoorsheel oo la weydiiyey in Hawada ay Maamulkeeda la wareegeen ku jirto Hawada Somaliland, ayaa sheegay inay ku jirto, isla markaana Hawada Soomaaliya ay tahay keliya mid la isla yaqaan oo xad iyo xuduud cayiman leh, wixii gudaha ahna gadaal laga wadahadli doono, laakiin immika ay mid qudha tahay oo ay Maamulkeeda dawladda Federaalku si rasmi ah ula wareegi doonto inta sannadkan lagu jiro.

Hase-yeeshee, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaan haba-yaraatee isagu wax war ah ka soo saarin arrintan la xidhiidha la wareegidda Maamulka Hawada, balse sida ay ilo-wareedyadani u xaqiijiyeen Himilo, Wasiirka ayaa magaalada Nairobi kula kulmi doona Masuuliyiin-goboleedka Hay’adda ICAO, isla markaana kala hadli doona heshiiska lagu gaadhay Canada, maaddaama oo ay hore ugu wada-jireen heshiis kaas ka duwan oo ay Somaliland qayb ka tahay.

Inkasta oo uu Wasiirka Gaadiidka, Duulista Hawada iyo Cirka ee Soomaaliya, waraysi uu VOA-da siiiyey Jimcihii ku sheegay in qolada ICAO ee Nairobi ay ballamo badan oo ay la galeen ka baxeen, isla markaana heshiisyo ay galeen beenoobeen, sidaa daraaddeedna ay dalbadeen inay Madaxda Sare ee ICAO oo fadhigoodu yahay Magaalada Montreal ee dalka Canada la kulmaan, haddana Maxamuud Xaashi waxa uu u muuqdaa Masuul rejo ka qaba la kulanka Madaxda ICAO ee Nairobi oo heshiiskan Soomaaliya ku sheegtay inay Maamulka hawada kula wareegayso ka soo go’ay Madaxda iyaga ka sarraysa. Arrintaasna illaa hadda kamay hadal Xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyaa.

Waxa socday oo aan weli natiijo kama-damabays ah laga gaadhin wada-hadal la xidhiidha dhinaca Maamulka Hawada ee Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo ay dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya kaga wada-hadleen dhawr kulan oo ka mid ah wada-hadallada labadii sano ee u dambeeyey u socday, gaar ahaan kuwii Turkiga oo uu garab socday wada-hadal si gaar ah u dhex-maray Wasiirrada Duulista u qaabbilsan labada dal iyo Khuboro Wasaaradohooda ka tirsan, balse wali natiijo rasmi ah oo ka soo baxday ma jirto, lamana saadaalin karo tallaabadani waxa ay ka beddeli doonto wadahadalladaas aan weli salka dhigan.

 

Himilomedia.com                                                                                           

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment