
Guddoomiye muuse Biixi Cabdi waxa uu ku bogaadinaya Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele iyo Xukuumadiisaba horumarka baaxada leh ee ay dalkiisa iyo dadkoodaba gaadhsiiyeen oo ah mid mudan in lagu daydo iyo door ka ay dawladda Djibouti ka qaadato dadaalada nabada iyo xasilooni waarta oo guud ahaan ka hir gasha mandaqada geeska Africa lagu baadi goobayo.
Guddoomiyaha kulmiye wuxuu Dhiirigalinayaa xidhiidhka walaaltinimada iyo saaxiibtinimada qotada dheer leh ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Djibouti.
Gabagabadii wuxuu Guddoomiye Biixi mar labaad ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawlada Djibouti xornimada iyo horumarka 37jirsaday ee ay ku naaloonayaan maanta, isagoo u rajaynaya inay sanadka sanadkiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.
ALLAH MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Md. Muuse Biixi Cabdi
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment