
Raysal-wasaaraha Jabuuti oo ka hadlayey munaasibad loo qabtay sannadguurada 37aad ee ciidanka booliiska dalkaas, ayaa sheegay in xukuumad ahaan ay taageero weyn u hayaan waxqabadka ciidamada booliska iyo iskaashiga ka dhexeeya ciidamada ammaanka dalalka ay dariska yihiin si loo buuxiyo baahiyaadka dhinaca ammaanka ee taagan.
"Waan dareemi karaa in hawshu culus tahay. Sababtoo ah waxaan doonaynaa inaan cidhib-tirno argagxisada meel kasta oo ay joogaan, si looga hortago inay weerarro kale geystaan,” ayuu yidhi Raysalwasaare Maxamed Kaamil.
Raysal-wasaaraha Jabuuti waxa tilmaamay sida baahi loo gu qabo feejignaan iyo dabbaqadda ama ku-dhaqanka shuruucda ciidamada ammaanka si looga hortago khal-khal ammaan-darro oo xasilooni-darro ku abuiura shacabka, waxaanu yidhi, “Ilaalinta ammaanka iyo nabadgelyada dadka iyo hantidoodu waa shuruudo lama huraan u ah horumarka dhaqaalaheena,” ayuu yidhi Raysal-wasaare Kaamil.
Munaasibadda loo qabtay xuska ciidamada Booliska Jabuuti, waxa ka qayb-galay wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Xasan Cumar Maxamed iyo agaasimaha guud ee ciidanka Booliiska Korneyl Cabdillahi Cabdi Faarax.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment