
Sidoo kale waxay Maxkamadu Sharciyaddii uu dalka kaga Hawlgaleyey kala noqotay Wargeyskii Madaxa Bannaanaa ee Haatuf oo muddo dheer Somaliland ka soo Baxayey, maadaama ay sheegtay in lagu helay Dambi Khalkhal gelinaya Nabadda iyo xasiloonida dalka.
Wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times waxaa xaruntoodii ciidanka boliisku la wareegeen 7dii April 2014 iyadoo markii danbena xabsiga loo taxaabay gudoomiyihii wargeysyadaasi iyo tafatirihiiba.
Waxaana lagu eedeeyay wargeysyadan inay qoreen warar been abuur ah iyo warar khalkhal gelin kara nabadglyada Somaliland .
Hase-yeeshee gudoomiyaha iyo tafatiraha Haatuf iyo
Somaliland times waxay ku doodeen in waxa keliya ee lagu haystaa yihiin warar musuqmaasuq oo ay ka qoreen wasiiro ka tirsan xukuumada, gaar ahaan wasiirka macdanta Somaliland.
Qareenadii difaacayay dacwadan suxufiyiinta Haatuf ayaa hore uga baxay dacwadan iyagoo sheegay inaan cadaaladi jirin, laakiinse ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud Adam Salaad, ayaa difaacay xukunka Maxkamadda ka soo baxay ee Maanta la riday.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment