

Jamaal Cali Xuseen waxa uu u rajeeyey Dhammaanba shacabka reer Djibouti inay munaasibaddan teeda kale ku gaadhaan rayn-rayn, Barwaaqo iyo Ammaan Buuxa oo ay ka Gudbaan Caqabad kasta oo ka soo wajahda Dhinacyada Nolosha.
Xildhibaan Ibraahim Cali Rayte oo ka mid ah Golaha Wakiillada somaliland oo isaguna Halkaas ka Hadlay ayaa si weyn ugu hambalyeeyey Shacabka Djibouti Maalinta ay u dabaal-degayaan Xorriyadooda, waxana uu soo dhaweeyey Sida quruxda Badan ee Jaaliyadda Reer Djibouti ee somaliland ku dhaqani u soo abaabuleen Munaasibaddan ka dhacday Caasimadda somaliland ee Hargeysa.
Xogyaha Maaliyadda ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka Marwo Marwo Faadumo Siciid oo iyaduna halkaas ka hadashay, ayaa ku bogaadin ay u dirtay qaranka Djibouti ka sokow si gaar ah salaan gacaltooyo ugu dirtay Marwada koowaad ee Jamhuuriyadda Djibouti Marwo Khadra Xayd iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, iyada oo ku majeeratay horumarka ay ku hoggaamiyeen Dalkooda.
Cabdi dhakhtar oo ku hadlayey Magaca Jaaliyadda Jamhuuriyadda Djibouti ee ku dhaqan Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa isaguna ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray helitaanka Xorriyadda Dalkaasi oo uu sheegay in dhimasho iyo dhiig badani u daatay xorriyadda dalkaasi wakhtigan ku naaloonayo.
“Intaas aanu halganka ku soo jirnay waxa na garab taagnaa shacabka reer Somaliland oo nagu guubaabinayey inaanu xorriyadda gaadhno, waayo waa laba umaddood oo isu ehel ah oo aan sinnaba u kala maarmi karin, taana waan uga mahad naqayaa shacabka reer Somaliland, waanan ku faraxsanahay in caawa (Xalay) laga xusayo Magaalada Hargeysa,” ayuu yidhi Cabdi Dhakhtar.
Ugu dambayntii waxa halkaas Heeso kala duwan oo Qiimaha Qaranimada dalka Djibouti ka hadlayey ka qaaday Fannaaniin u dhalatay Somaliland, kuwaas oo qiiro geliyey dadweynihii halkaas ku sugnaa, isla-markaana xasuusiyey neecowda Xorriyadda iyo Halgankii dalkan laftigiisa lagu xorreeyey.
Dawladda Jabuuti, ayaa shalay u dabbaal-degtay xuska 37-guurada xorriyaddooda, waxaana munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay Magaalo-madaxda Dalka Djibouti ka qayb-galay hay’adaha kala duwan ee Jamhuuriyadda Djibouti, iyada oo Ciidamada kala duwan ee dalkaasi ku soo bandhigeen gaardis iyo gaaddo-ka-ciyaar Cajab-geliyey dadweynihii daawashada u tegay goobaha Bandhiggu ka dhacayey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment