Weriyeyaashan oo lagu kala magacaabo Peter Greste, Mohamed Fahmy iyo Baher Mohamed, ayaa lagu eedeeyay inay faafiyeen warar been-abuur ah iyo inay taageerayeen Ikhwaanul Muslimiinka Masar, inkastoo eedeyntaas ay beeniyeen, haddana lama dhegaysan jawaabtooda. Peter Greste oo u dhashay dalka Australia, ayaa u shaqeynayay Telefishinka Al-Jazeera qeybta Ingiriisida ku baxda, waxaanu Al-Jazeera ka hor ka soo shaqeeyey Telefeshinka BBC-da.

Hey’adaha Xuquuqda Aadanaha u dooda, ayaa ku eedeeyay dawladda Masar inay cabbudhinayso Saxaafadda madaxa-bannaan, waxaanay intaas ku dareen inay dowladda uu hoggaaminayo Cabdifataax Al-Casiisi, ay Warbaahinta xorta ah afka qabanayso tan iyo markii ay Xukuumaddan Millaterigu xukunka ka ridday Madaxweynihii shacabka Masar doortay ee Maxamed Mursi, sannad ka dib markii uu xilka loo doortay hayey.
Maxkamad ku taal Qaahira ayaa hore xukunno dil iyo Xabsi ah ugu xukuntay Mas’uuliyiintii ugu sarreysay Ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo dad badan oo taageerayey oo ay Millaterigu ku eedeeyeen inay dembiyo ay galeen lagu helay. Dadka Siyaasadda Bariga dhexe iyo dalalka Carabta ah indha-indheeya, ayaa ku tilmaamay Telfishinka Al-Jazeera inuu aad u buunbuuniyey Dhacdooyinkii ka dhacay dalka Masar.
Geesta kale, Masuuliyiinta, Shaqaalaha iyo dhammaan War-fidiyeennada ka hawlgala Telefeshinka Al-jazeera, waxay xukun ku tilmaameen mid sharci-darro iyo cabbudhin ah, iyagoo Isniintii shalay oo xukunku dhacay ugu yeedhay maanta oo xukunkani dhacay ugu yeedhay ‘MAALINTII MADOOBAYD EE SAXAAFADDA XORTA AH’, iyagoo afka iskaga xidhay Balastar Madoow, si ay u muujiyaan xad-gudubka, sharci-darrada iyo cabbudhinta ay tirsanayaan inay Xukuumadda Millaterigu taageero ee Masar kula kacday Weriyeyaashooda.
Sidoo kale, xadhiga Suxufiyiintan iyo qaar kale oo Adduunka ku xidhan, waxa aad looga hadal-hayaa Mareegahay ay dadku isugu yimaaddaan sida facebook, Twitter iyo kuwa la midka ah ee lagu sheekaysto waxna lagu baahiyo, kuwaasoo lagu canbaareeyey xadhigga dheer ee lagu xukumay Weriyeyaashaas oo lagu tilmaamay sharci-darro, cabbudhin iyo weliba tacaddi caddaan ah oo ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha iyo xorriyadda Saxaafadda caalamka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment