Wednesday, June 25, 2014

Madaxweyne ku-xigeenka oo Furay Carwo caafimaad oo laga Furay Hargeysa

Hargeysa, 25 June, 2014 (Himilo)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay magaalada Hargeysa ka furay Carwo bandhigay adeegyada xarumaha Caafimaadka iyo shirkadaha ka ganacsada daawooyinka.

IMG_0529Bandhigga Carwada oo shalay laga furay Hotel Maansoor ee Hargeysa isla markaana maanta laga soo gebo-gabaynayo oo ay ka qayb-galeen Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Axmed Ciise, Agaasimaha Guud ee Caafimaadka, saraakiil ka socotay hay’adaha caalamiga iyo ururrada waddaniga ah ee Caafimaadka ka shaqeeya, shirkadaha Daawooyinka ka Ganacsada, Xarumaha adeegyada Caafimaad u fidiya bulshada, ayaa noqonaysa markii u horreysay ee nooceeda lagu qabto Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame oo madasha ka hadlay, ayaa ujeeddada ay u qaban-qaabiyeen carwada ku tilmaamay inay tahay sidii loo horumarin lahaa adeegyada caafimaad ee wasaaraddu ugu xil-saaran tahay bulshada Somaliland iyo sidii loo heli lahaa macluumaad lagu sar-gooyo qorsheyaasha caafimaad ee dalka. Agaasimaha Guud waxa uu sheegay inay sannad walba joogteyn doonaan qabashada Carwada noocan ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr, Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa sheegay in Labada maalmood ee carwadan caafimaadku soconayso u kala qorsheeyeen bandhigga adeegyada Caafimaad iyo talooyinka ku saabsan xogta caafimaadka ee looga baahan yahay caafimaadka.

Madaxweyne-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii ka hadlay carwada caafimaadka Somaliland, ayaa sheegay inay waajib saaran tahay qof walba ilaalinta caafimaadku, xukuumada ahaana ay ku dedaalayaan waajibaadka ka saaran ilaalinta caafimaadka bulshada.

Md. Saylici ayaa sheegay in muhiimada koowaad ee helitaanka caafimaad loo siman yahay ay saaran yahay shaqaalaha iyo mihnadlayaasha caafimaadka oo uu u jeediyey inay si siman ugu adeegaan dabaqadaha kala duwan ee bulshada.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay xubno wasiirro ah iyo marti-sharaf kale oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay ilaalinta tayada caafimaad ee bulshada loo fidinayo, waxaana halkaas lagu soo bandhigay adeegyada kala duwan ee Xarumaha Caafimaadka iyo shirkadaha daawooyinku u qabtaan bulshada.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

No comments:

Post a Comment