Saturday, June 28, 2014

Nickolas Kay Oo Shacabka Soomaaliyeed u Diray Farriin Ku Aaddan Bisha Barakyasan ee Ramadaan

Nairobi:June,2014(Himilo)-Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia iyo Somaliland Nicholas Kay, ayaa maanta hambalyo u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed ee isu diyaarinaya bisha barakaysan ee Ramadaan oo Caawa Bilaabmi doonta.

kay kayErgayga ayaa faahfaahiyey qiimaha ay bishan barakaysani leedahay iyo waliba sida ay Bulshada soomaalida ahi u xasuusato Qaybaheeda jilicsan ee Daciifka ah,

 

“Ramadaan waa waqti ay qoysaska iyo bulshadu isla wadaagaan farxad iyo rayn-rayn markay isugu yimaadaan afurka iyo salaadaha. Waa waqti la yeesho fikir qotodheer iyo dibuheshiisiin, laguna xusuusto dadka danyarta ah oo naga liita. Bishan waxaa nala xusuusinayaa in nabadda, sinaanta iyo naxariistu ay yihiin waxa isku kaaya xidha, aadna uga xoog badan wax kasta oo ina kala qaybiya. Anigoo tan rumaysan, waxaan dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda u rajaynayaa bil Ramadaan oo nabad ah oo barakaysan. Ramadaan Kariim!” ayuu yidhi Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

 

Kay oo muddo kooban ka soo shaqaynayey arrimaha soomaalida, ayaa Hadalkiisan ku muujiyey sida uu u fahmay nidaamka ay soomaalidu u dhaqan xilliyada Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo sida ay wanaagga iyo khayrka ugu diyaar garoobaan.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment