
Ambassador Robert Godec ayaa xusay in Saraafada Maraykanka uu ku leeyahay dalka Kenya ay haatan ka shaqeyaan in ka badan 1000, qof loona baahanyahy in la dhimo si amaankooda loo hubiyo.
“Maraykanka waxaa ka go’an in la xaqiiyo amaanka Shaqaalaha Safaaradeena waxana aanu yaraynaynaa Shaqaalaheeda dalka Kenya sababa amaan owgeed kadib markii ay soo bateen Weerararada Argagaxiso ee Kenya ka dhacaya “ sidaasi waxaa yidhi Mr. Robert .
Hadalka dowlada Maraykanka ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan dowlada Maraykanku ay uga digtay muwadiniinteeda in ay u safraan dalka Kenya gaar ahaan Mombasa, Kwale, Kilifi, Lamu, iyo qeyb ahaan xeebaha gobolka Tana River.
Dalka Kenya ayaa dhawan waxaa ka dhacay Weeraro ay ku dhinteen in ka badan 60 qof oo Masuuliyadoodana ay sheegatay Dhaq dhaqaaqa Shabaab ee Soomaaliya.
Kenya ayaa saaxiib dhaw la ah Maraykanka, waxana uu ka taageeraa Dagaalka ay kula jirto Kooxaha Dagaalka ku wada oo intooda Badani ka yimaadda dhinaca Koonfurta Somalia.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment