Monday, June 23, 2014

Maandooriyaha Qaadka Oo Wixii Berri Ka Dambeeya Mamnuuc Ka Noqonaya Dalka Britain Iyo Somali Badan Oo Mirqaan La’aani Soo Food-saari Doonto

London:June,23,2014(Himilo)-Qaadka Miirooga ah ee Laga Qaado Dalka Kenya ayaa Maalinta Berri ah oo Bishani tahay 24-ka Mamnuuc ka noqon doona Dalka Britain oo soomaali Badani cunistiisa iyo dheeftiisaba ku Hawllanaayeen.

miirooBritain ayaa Mamnuucday Qaadka dalkeeda la keeno, waxana ay ku Dartay Maandooriyayaasha in dalka si sharci ah loo geliyaa ay Mamnuuca tahay.

Maanta oo Isniin ah ayaa ah maalinta ugu dambeysa ee Qaadka laga dhoofiyo Kenya uu ka degi doono dalka Britain, waxana Jira warar sheegaya in somaali badani Tallaagado ku guranayso Qaad Tiro badan si ay Ugu yaraan Toddobaadyo u sii isticmaalaan.

Aqalka Sare ee UK ayaa Bishii May ansixiyay Go'aanka Dowladda UK ay ku mamnuuceyso Qaadka, wuxuuna Qaadka Mamnuuc ka yahay Dalka Britain 24. Bisha July ee Sanadka 2014.

Dowladda Britain ayaa Qaadka barbar dhigeysa Daroogada wuxuuna Qaadka soo gala Dalka Britain oo ay isticmaalaan bulshooyinka kala duwan sida Soomaalida ama Yamaniinta laga keenaa bariga Dalka Kenya.

 

Kenya ayaa Bishii ku dhawaad 90 Tan oo Qaad ah u dhoofin jirtay Dalka Ingriiska, waxana Guuldarraystay Isku dayo ay doonaysay inay Britain kaga dhaadhiciso inay sharigaas ka Noqoto.

 

Qiimaha Qaadka ay Kenya u dhoofiso Ingiriiska ayaa lagu qiyaasay in uu la egyahay 2 Bilayn oo Shilin ($24 Milyan oo Dollar) sannadkiiba.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment