
“waxan iftiiminayaa inaanu Hargeysa ka jirin cid Somalia uga wakiil ah Boos Somalia leedahay,” ayuu yidhi wasiir Abgaal.
Wasiirka oo saxaafadda kula Hadlayey Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa xusay inay Xukuumadda Somaliland iyo wasiirradeedu ku shaqeeyaan Rabitaanka shacabkooda, waxana uu masuuliyiinta Somalia u soo jeediyey in Hadallada waxba kama jiraanka ah ee ay Bulshada ku jaah wareerinayaan ugu beddelaan wax qabad, waxana uu yidhi,
“annagu(somaliland) waxanu ku shaqaynaa oo ixtiraamaynaa Rabitaanka shacabka reer Somaliland, Mar haddii aanay magaalada muqdisho ka jirin xukuumad la sooo doortay oo shacabkii lahaa ilaashanayaan, waxan jeclaan lahaa inay si xilkasnimo ah oo masuuliyadi ku jirto inay umadooda u hagaan, inta ay maalinba arrin aan jirin umad kale ku eedaynayaan oo ay sheegayaan war aan Albaabka dhaafaynin.”
Mar uu wasiirka ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey ballan uu hore ugu qaaday inuu Somaliland u samaynayo Fure gaar u ah, kaas oo ka madax bannaan midka Somalia leedahay ee ay haatan isticmaasho, ayuu sheegay inaanay Somalia oggolayn in la kala gurto wixii labada dal iskaga jirey, waxana uu yidhi,
“somalia ma oggola in wixii isaga keen jirey in la kala saaro inana ma oggolin wax dambe oo iskaga keen sii jira,”
Hadalkan wasiirka ayaa daba socday hadal uu hore agaasimaha Guud ee wasaarada Boostada somalia ku sheegay inay Hargeysa u fadhiyaan wakiillo wasaaraddiisa metela oo halkan ka wada Shaqooyin uu isagu u igmaday.
Himilo Meida
No comments:
Post a Comment