Sunday, June 22, 2014

Taliye Fadal Muxuu Ka Yidhi Ninka Xijaabka iyo Niqaamka Dumarka Xidhay Ee Hargeysa Lagu Qabtay?

Hargeysa:June,22,2014(Himilo)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fafal Iimaan, ayaa  markii ugu horraysay ka Hadlay Nin ku Lebisnaa Xibaaka iyo indha-shareerka Dumarku qaataan oo  Hargeya Lagu Qabtay.

fadaliTaliye Fadal, ayaa qiray inuu  ninkaasi jiro, Gacantana uu ugu jiro Ciidamada Booliska, isla-markaana ay Baadhitaan ku hayaan sababta ka dambaysay,“Waa jirey in ninkaas ciidanka Bilaysku shalay qabteen, waana la baadhayaa, wixii natiijo ah eek a soo baxana dib baanu ka sheegaynaa iyo waxa ku kallifay, Kamana hordhacayo.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal.

Taliye Fadal ayaa xusay inay ciidanka Nabadgelyada Somaliland si Buuxda gacanta ugu hayaan Ammaanka Guud ee Dalka, isla-markaana ay gacan bir ah u qabanayaan cidkasta oo carqaladaynaysa, waxana uu yidhi,

“ciidanka boolisku waxay mar walba diyaar u yihiin inay sugaan Nabadgelyada, si fiicana way u wadaan, cidkasta oo halis ku ahna way qabtaan.”

Habeennimadii xalay ayey dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa Gacanta ku dhigeen nin ku lebisan Xijaabka indha-shareerka Dumarku qaataan, waxana ay gacanta u geliyeen Ciidamada Booliska Somaliland, kuwaas oo Haatan ku haya Baadhis.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment