
War-murtiyeed lagu soo ururiyey go’aamada soo baxay oo laga akhriyey gunnaanadkii shirkaasi, ayaa u qornaa sidan:- “Shirweynaha beesha Makaahiil Isaxaaq ee DAWO iyo DAREEN ee ka qabsoomay degaanka Woqooyiga caasimadda Hargeysa 23/06/2014 ilaa 24/06/2014, kana qaybgaleen salaadiinta, Ugaaska beesha, cuqaasha, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, ganacsatada, dhallinyarada, qurba-joogga iyo haweenka, kaasi oo lagaga arrinsanayey masiirka iyo danaha beesha, waxa gebogabadiisiika soo baxay:-
BAAQ IYO TALO SOO JEEDIN
1. Shirweynuhu wuxuu si buuxda u garab taagan yahay jiritaanka Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland
2. Shirweynaha waxa saldhig u ah adkaynta nabadgalyada
3. Shirweynuhu wuxuu xoojinayaa walaalnimada, wada noolaanshaha iyo is-dhexgalka dhammaan beelaha Somaliland ee walaalaha ah, gaar ahaan beelaha ood-wadaagta la ah beesha
4. Shirweynuhu wuxuu caddaynayaa in laga midaysan yahay ilaalinta iyo horumarinta dhammaan degaannada beeshu degto.
5. Shirweynaha DAWO iyo DAREEN wuxuu u jeedinayaa xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland in saami-qaybinta manaasiibta Dawliga ah ee beelaha Somaliland aanay caddaalad ku saleysnayn oo ay muuqato in dhinac laga raray.
6. Shirweynaha waxa lagu go’aansaday in la dhiso guddi horumarineed oo beesha u qaabilsan horumarinta iyo arrimaha siyaasadda,” ayaa lagu soo gabogabeeyey war-murtiyeedka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment