
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid miino, iyadoo wararku ay sheegayaan inay miinadu ku jirtay bac la ag-dhigay xafiiska, dabadeedna ay qaraxday, iyadoo ay ku sugnaayeen xafiiska dadka shacab ah iyo ciidamada cashuuraha degmada.
Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxaas, balse wuxuu imanayaa xilli dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen inay ammaanka Muqdisho adkeynayaan si ay uga hortagaan falalka ammaan-darro ee Al-shabaab ay geysanayso inta lagu jiro bisha Ramadaan.
Qaraxan khasaaraha geystay ayaa kusoo beegmaya maalintii labaad ee Ramadaan iyadoo shalay oo ahayd maalintii koowaadna lagu toogtay Muqdisho saddex askari oo laba ka mid ahi ay ahaayeen ciidamada ilaalada waddooyinka ee taraafikada.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment