
Waxay ciidanku sheegeen in Qofkii Hadii uu Digniinta koowaad waxba ku qaadan waayo, marka labaad lagu ganaaxi 60 Pound oo lacagta Britain ah, halka marka saddexaadna uu mudan karo in lagu xumo illaa laba sano oo xabsi ah.
Qofkii qaad soo geliya Britain ayaa la sheegay in ciqaabtiisu ay noqonayso 14-sano oo xabsi ah, waxaana looga digay dadka Britain inay isku dayaan inay jaad soo geliyaan dalka laga billaabo maanta.
Ganaaxan ayaa wuxuu sidoo kale quseeyaa Scotland iyo Waqooyiga Ireland sida uu uga dhaqan-galay ganaaxan gudaha England iyo Wales oo ka mid gobollada ay ka kooban tahay boqortooyada Britain.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment