Addis Ababa, 24 June, 2014 (Himilo)- Dawladaha Somaliland iyo Ethiopia, ayaa wada-hadal ka yeeshay ka wada-shaqaynta ammaanka guud iyo nabadgelyada xuduudka labada dal wadaagaan oo muddooyinkii u dambeeyey dhinaca Itoobiya laga xidhay, waxna laga beddelay qaabkii hore ee isu-socodka labada dhinac si loola dagaallamo nabadgelyo-diidka argagixisada loo yaqaanno.

Wasiirka arrimaha dibedda Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Dhiggiisa Itoobiya Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa shalay kulan ay arrimahahaas iyo kuwo kale ku gorfeeyeen ku wada yeeshey magaalada Addis Ababa ee Caasimadda waddanka Itoobiya oo uu Wasiir Biixi iyo Xubno la socdaa ku joogaan socdaal shaqo.
Sidaa waxa lagu faahfaahiyey War-Saxaafadeed uu xalay soo saaray Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Siciid Cali Muuse, kaas oo oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay xarunta Wargeyska Himilo ee magaalada Hargeysa, waxa uu u qornaa sidan: “Wasiirka Arrimaha Debedda ee Ethiopia, Tedros Adhanom Ghebreyesus iyo Wasiirka Arrimaha Debedda ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa maanta (shalay) kulan ku yeeshay caasimada Ethiopia ee Addis Ababa.

Kulankaas, oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Addis Ababa, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland Maxamed Biixi, waxaanay labada Wasiir ka wadahadleen, arrimo khuseeya xidhiidhka labada dal, gaar ahaan xoojinta nabadda, gaar ahaan ammaanka xuduudda labada dal. Xuduudda Somaliland iyo Ethiopia ayaa hadda u xidhan arrimo xagga nabadgelyada ah iyo sidii argagixisada loola dagaallami lahaa iyo adkaynta ammaanka gobolka-ba.
Waxa jira is-kaashi adkaynta nabadda ah oo ka dhexeeya waddamada Somaliland la jaarka ah, sida Ethiopia iyo Djibouti. Arrimaha kale ee Labada Wasiir ka wadahadleen waxa ka mid ahaa shirka soo socda oo ay labada waddan wada yeelanayaan ee Bisha soo socta bilowgeeda ka dhacaya magaalada Diri-Dhaba ee Ethiopia, kaas oo lagaga wadahadlayo qodobbo ay ka mid yihiin Ganacisga iyo nabadgelyada, shirkaas oo ay ku kulmayaan Guddiyo xagga farsamada ah.”
Himilomedia.comHargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment