Tuesday, June 24, 2014

14 Xildhibaan oo muddeeyey maalinta ay xilka ka qaadayaan Maayerka iyo Ku-xigeenkiisa, Jawaabta Badhasaabka iyo Diidmada Maayerka Gabiley

“Wasiirka arrrimaha gudaha, markaannu la hor-tegnay hawshayadan oo isaga khusaysa nagu yidhi; ‘Wasiirradiinni ha idiin yimaaddaan, Wasiiro kale shaqo naga dhaxaysana ma garanayo..” Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi

 

 

Hargeysa, 24 June, 2014 (Himilo)- 14 Xildhibaan oo ka tirsan 25-ka Mudane ee Golaha deegaanka degmada Gabiley ka kooban yahay, ayaa shaaca ka qaaday inay 25-ka bishan oo ku beegan Arbacada Berri ay xarunta dawladda hoose ee magaaladaas ku yeelan doonaan Fadhi aan caadi ahayn oo ay xilka kaga qaadi doonaan Maayerka iyo Maayer Ku-xigeenka, ahna Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka golaha deegaankaas Gabiley, kuwaasoo ay ku eedeeyeen xil-gudasho la’aan, maamul-xumo iyo wax-is-daba-marin.

DSC03306(1).JPGXildhibaannadan ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, ayaa sheegay inaanu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ka aqbalin qoraal ay hore ugu soo gudbiyeen oo ay ku dalbanayeen qabashada fadhiga aan caadiga ahayn ee ay sheegeen inay xilka kaga qaadayaan Maayerka iyo Maayer Ku-xigeenka Gabiley, isla markaana uu ugu jawaabay Wasiir Waran-cadde inay yimaaddaan Wasiirrada ka soo jeeda gobolka Gabiley.

Badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo Wargeyska Himilo khadka taleefanka xalay wax kaga weydiiyey go’aanka Xildhibaannada, ayaa ku dooday inaanay hawshu weli isaga taagnayn ee ay taagan tahay Golaha Deegaanka Gabiley iyo Wasaaradda arrimaha gudaha, isla markaana ay hore u jirtay Warqad ay Wasaaradda Daakhiligu ku joojisay qabashada Fadhiyada aan caadiga ahayn ee Golayaasha Deegaanka dalka, sidaa awgeedna aanay weli jirin go’aan dambe oo ay Wasaaraddu ku fasaxday.

“Arrintaasi immika aniga ima taagna ee waxay u taallaa Golaha Deegaanka Gabiley iyo Wasaaradda arrimaha gudaha. Wasaaraddu hore ayay Warqad ugu joojisay fadhiyada aan caadiga ahayn ee Golayaasha Deegaanka dalka, warqad dambe oo ay ku fasaxdayna soomay saarin, markaa arrintaasi immika aniga ima taagna ee dhinacyada ay taagan tahay wax ka weydiiya.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine) oo ka jawaabayey su’aal Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo warkan ka weydiiyey.

Hase-yeeshee, Xildhibaannadan 14-ka ah ee iyagu shalay Shirka Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa ku doodaya inay muddo sharciga u xannibnaayeen, isla markaana aanay hadda wixii ka dambeeya u xannibnaan doonin ee ay 25-ka bishan aynu ku jirno ee June fadhi aan caadiga ahayn qabsan doonaan, kuna dooran doonaan Maamul cusub, Maamulka hadda jooga ee Golaha Deegaanka Gabileyna, xilka ka tuuri doonaan oo ay cod ku muquunin doonaan.

Xildhibaan Cali Axmed Yuusuf oo ka mid ahaa 14-ka Xildhibaan ee Golaha Deeganaka Gabiley ee muddeeyey fadhiga aan caadiga ahayn, waxa uu yidhi; “Waxaannu Waraaq u soo gudbinnay Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha oo aannu ku cod sannaynay inaannu isugu nimaadno fadhi aan caadi ahayn, isla markaasna aannu xilka kaga qaadno Maayerka iyo Maayer Ku-xigeenka Gabiley, markii lagu soo eedeeyay shaqo gudasho la’aan baahsan, waxa uu Wasiirka arrimaha gudahu noogu jawaabay waxaan idiinku yeedhayaa Wasiirrada kasoo jeeda Beeshiinna si ay idiin dhex-dhexaadiyaan. Markaas, annagu waxaannu go’aansannay inaannu Xasaanadda kala noqonno Maayerka iyo Maayer Ku-xigeenka oo 14 kayagaas Xildhibaan waxaannu kala noqonnay kalsoonidii, 25-ka bishana xarunta dawladda Hoose ee Burco ayaannu ku qabanaynaa shirkayaga aannu ku dooranayno Maayer iyo Maayer Ku-xigeen kale.”

“Annaga waxa nalagu soo doortay codkii bulshada ku nool Gabiilay, waxaanan Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Cod Dheer ugu sheegaynaa inaanay bulshadu doonayn cid u dhaxaysa XukuumadDa iyo degmada Gabiiley, waxa jiray laba Miisaaniyadood oo Xukuumaddu ugu talo-gashay gobolka Gabiilay oo aan hal rinji ah laga marin oo Rag kale afka u dhigteen, Cagafta aannu haysanno waa dayn, qalab aannu ku shaqayno ma hayno, Dam-demiskii kali ahaa ee meesha yaalayna Raggii lahaa ayaa doonaya.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cali Axmed Yuusuf.

Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi oo Shirkaa Jaraa’id ka hadashay, ayaa sheegtay inaanay garan karin Wasiirrada aan Wasiirka arrimaha gudaha ahayn ee ay wada-shaqaynta iyo Masuuliyaddu ka dhaxayso Gole deegaan ahaan. “Wasiirka hawshan iyo shaqadu naga dhaxaysay ee Wasiirka arrrimaha gudaha, markaannu la hor-tegnay hawshayadan oo isaga khusaysa nagu yidhi; ‘Wasiirradiinni ha idiin yimaaddaan, Wasiiro kale oo shaqo naga dhaxaysana ma garanayo,” ayay tidhi Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi.

Waxaanay Xildhibaan Nimco oo hadalkeeda sii wadatay intaas ku dartay oo ay tidhi, “Waxa uu Shirkani daarranyahay inaannu si xasillooni ah xilkii uga qaadno Maayarkii dagmada Gabiilay iyo Ku-xigeenkiisa, markii horena annaga ayaa gacan-tayada ku doorannay immikana annaga ayaa kala noqonnay kalsoonidii, maaddaama oo uu dadkii iyo shacabkii aannu u dhaarannay gudi waayay waajibaadkii ay usoo doorteen, annagana ay na galaafteen.”

Geesta kale, Maayerka degmada Gabiley ee ay 14-ka Xildhibaan ku eedeeyeen Musuqmaasuqa, xil-gudasho la’aanta iyo wax-is-daba-marinta Shucayb Maxamed Muuse oo Wargeyska Himilo Weriye ka tirsani xalay Khadka Taleefanka wax kaga weydiiyey waxa u qorshaysan haddii xilka laga qaado iyo jiritaanka eedaha loo jeediyey, ayaa ka gaabsaday inuu wax jawaab ah na siiyo. “Immika diyaar uma ihi inaan arrintaas ka hadlo, Goluhuna Madal lagu wada-hadlo ayuu leeyahay, laakiin waxaas aad I weydiisay wakhtigan diyaar uma ihi oo hawlo kale ayaan mashquul ku ahay,” ayuu yidhi oo uu ku jawaabay Maayerka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, oo aannu isagana isku daynay xalay inaannu warkan wax ka weydiinno, ayaanay noo suuragelin inaannu wax jawaab ah ka helno, ka dib markii Taleefankiisa uu naga qaban waayey isagu ee uu qof kale naga qabtay, suuragalna noqon wayday in naloogu dhiibo dhawr jeer oo aannu xalay taleefankiisa gacanta ka wacnay.

 

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment