Thursday, June 26, 2014

Ururrada Saxaafadda Caalamka, Somaliland iyo Xuquuqda Aadamaha oo Baaqyo culus ka soo saaray Xukunka Shalay lagu riday Haatuf iyo Masuuliyiintiisa

“Tani waa bartil-tilmaameed lagu ugaadhsanayo Suxufiyiinta gudanaya waajibka ka saaran inay Wararka tabiyaan. Xukunnadani waa sharci-darro dhinac kasta oo laga eego..” Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn

 

Hargeysa, 26 June, 2014 (Himilo)- Ururka Suxufiyiinta aan xuduudka lahayn ee caalamiga ah, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Xarunta Xuquuqada Aadamaha ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa cambaareeyey, isla markaana sharci-darro iyo cabbudhin Saxaafadda xorta ah lagula kacayo ku tilmaamay xukun ay shalay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ku ridday Wargeysyada Haatuf & Somaliland Times iyo Masuuliyiintooda Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige oo xadhig, ganaax iyo ruqsad kala noqosho ay isugu dartay.

gaboobe-and-ahmedWaxay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay Guddoomiyihii Wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times, Yuusuf Cabdi Gaboobe saddex sano oo Xabsi ah, halka Tifaftiraha Haatuf Axmed Cali Cige lagu xukumay afar sano oo xadhig ah iyo Wargeysyadaas oo Maxkamaddu sheegtay inay ku xukuntay in lagala noqdo Ruqsadda oggolaansha ah iyo Ganaax dhan Konton Malyan oo Lacagta Shilinka Somaliland ah.

Wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times waxa ay Xaruntooda magaalada Hargeysa Ciidanka Booliisku la wareegeen 7-da bishii April ee sannadkan 2014-ka, iyadoo markii danbena Xabsiga loo taxaabay Guddoomiyaha Wargeysyadaas iyo Tafatirihii-ba. Waxaana lagu eedeeyay Wargeysyadan inay qoreen warar been abuur ah iyo warar khalkhal-gelin kara nabadglyada Somaliland, sida ay Xeer-ilaalinta oo Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan u Maxkamadda u gudbisay, iyada oo la cabbudhiyey Qareennada u doodayey Masuuliyiintaas.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeysyadaas, waxay ku doodeen in waxa keliya ee lagu haystaa yihiin warar musuqmaasuq oo ay ka qoreen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda.

Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo Xukunka Maxkamadda ka hadlay, ayaa ku tilmaamay inuu ahaa xukun lagu raalli-gelinayo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo ka tirsanaa afar xubnood oo ka dacwoonayey Wargeyska Haatuf.

“Waxa la xukumay Wargeyska Haatuf iyo labadiisii Masuul ee Guddoomiye Yuusuf Cabdi Gaboobe oo lagu xukumay 3 sano iyo Tifaftirihii guud ee Haatuf Axmed Cali Cige , waxa lagu xukumay afar sano oo xadhig ah, iyo Wargeyska oo lagu xukumay Konton Milyan oo ganaax ah iyo Ruqsaddii Wargeyska oo lala noqday. Waa arrin xataa markii Xeerka Saxaafadda laga tago Xeerka Ciqaabta guud dadka sharciga yaqaannaa waxay leeyihiin ganaaxa ugu badani waa lix Malyan, Xeerkan waxa la odhan karaa Xeerka Baashe Cawil iyo Wasiirka Macdanta kan lagu xukumay, waxaana la odhan karaa Maxkamaddu waxay raalli-gelinaysay labadaas Masuul oo dacwadda ka dhan ahaa oo ka tirsanaa afar Masuul oo Wargeyska soo dacweeyey.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha SOLJA.

Maxamed-rashiid Muxumed Faarax waxa uu Golaha Wakiillada u soo jeediyey inay Mooshin Sharciyada ay jebisay Xukuumaddu la xidhiidha ee ka Saxaafaddu ka mid yahay inay ku oogaan markay fasaxa ka soo laabtaan. “Markaa, waxaannu leenahay Daneeyayaasha caalamka ee Somaliland daneeya iyo cid kasta oo Xorriyatul-qawlka u doodda inay dhegaystaan dhawaaqyada lagu diiddan yahay Xukunka Sharci-darrada ah ee kii ka dhacay Masar ku ka weyn ah ee ku dhacay Wargeyska Haatuf iyo Masuuliyiintiisa.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.

Maxamed-rashiid, waxa uu sheegay in xukunkan oo ka khafiisfsan oo ahaa laba sano oo xadhig ah iyo lix malyan oo ganaax ah ay hore laba Garsoore u diideen ku dhawaaqistiisa, iyaga oo ku tilmaamay sharci-darro iyo xad-gudub, hase-yeeshee, inta la soo kordhiyey oo laga soo dhigay saddex illaa afar sano oo xadhig ah, Konton Malyan oo ganaax ah iyo in ruqsaddii Wargeyska Haatuf lala noqdo, shalay lagu dhawaaqay, taasina ay tahay waxaan la aqbali karin iyo qalad cad, isla markaana ay ku baaqayaan in sharciga lagu soo noqdo. Waxaanu Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa u soo jeediyey inay sharciga ay dawladda iyo Masuuliyiinta ku yihiin dhawraan, isagoo Xoghayuhu Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha iyo Beesha caalamkaba ugu baaqay inay soo faro-geliyaan arrinta lagula kacay Wargeysyada Haatuf, Somaliland Times, Hubaal iyo Masuuliyiinta Haatuf-ba.

Sidoo kale, War-Saxaafadeed xalay ka soo baxay xarunta Xuquuqda Aadamaha ee Somaliland oo fadhigeedu yahay Hargeysa, waxay ku cambaaraysay xukunka ay Maxkamadda gobolka Hargeysa ku xukuntay shalay Wargeyska Haatuf iyo Masuuliyiintiisa. War-Saxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Xaruntaa Guleed Axmed Jaamac, waxa uu u qornaa sidan:- “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xukunka maxkamadda oo xadgudub ku ah qodobka 32 ee dastuurka Somaliland.

Dhegaysiga dacwaddu wuxuu ahaa mid aan waafaqsanayn xeerarka dalka iyo halbeegyada caalamiga ah. Suxufiyiinta la soo eedeeyey lama siin fursad ay isku difaacaan taas oo ka soo horjeeda qodobka 28(2) ee dastuurka iyo qodobka 116 ee Xeerka Habka Ciqaabta. Maxkamaddu waxay dhegaysatay oo keliya xeer-ilaalintii dacwadda soo oogtay.

Qareennada u doodayay Suxufiyiinta oo aan ka soo qayb-gelin dacwadda, waxay u sheegeen Xarunta in xukunka Maxkamaddu yahay mid aan xaq ahayn oo cadaalad-darro ah. Xasan Cali Xasan oo Qareen u ahaa Suxufiyiintu wuxuu noo sheegay in Garsoorihii dacwadda qaadayay caqabad ku noqday inay gutaan wajibkooda. Sidaas darteedna aanay fursad u helin inay difaacaan Suxufiyiinta. Qareennadu waxay si buuxda uga qaybgaleen hal dhegaysi oo qudha. Dacwadduna waxay socotay iyada oo aanay joogin Qareenno difaaca eedaysanayaasha.

Maxkamaddu halkay ka dabaqi lahayd Xeerka Saxaafadda, waxay raacday Xeerka Ciqaabta oo ah xeer guud oo gaboobay. Taasina waxay ka soo horjeedda qodobka 130(5) ee dastuurka oo dhigaya in xeerarkii ka horeeyey dastuurka la dabiqi karo oo keliya hadii aanay ka hor-imanayn xuquuqda qofka iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee ku dhigan Dastuurka. Qodobku wuxuu sidoo kale dhigayaa marka la sameeyo shuruuc cusub in Xeerarkii hore aan la dabiqi karin. Xeerka Ciqaabtu wuxuu ka horreeyey Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Saxaafadda.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay muujinaysaa sida qotada dheer ee ay uga welwesan tahay ficillada adag ee ka dhanka ah Saxaafadda Madaxa-bannaan. Xaruntu waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay sida ugu dhaqsaha badan ay u buriso xukunkaas, isla markaana u sii dayso Suxufiyiinta ugana qaado Wargeysyada xayiraadda saaran.”

Ururka Suxufiyiinta aan Xukuudka lahayn ee Caalamiga ah, ayaa iyaguna xukunkaas Haatuf iyo Masuuliyiintiisa ku dhacay ka hadlay, isla markaana ku tilmaamay sharci-darro iyo ku xad-gudub, iyagoo sheegay inay Masuuliyiinta Somaliland si cad ugu tumanayaan Shuruucda dalkooda ee dhinaca Saxaafadda iyo ta caalamiga ah-ba.

“Masuuliyiinta Somaliland waxay ku tumanayaan shuruucdii ay dhigteen iyaga oo xabsiyada u taxaabay wariyeyaasha maxaa yeelay shuruucda Somaliland ma dhigayaan in dunuubta saxaafadda ciqaabteedu Xabsi noqoto, markaa xukunnadani si macno-darro ah ayay u jabinayaan shuruucdii taallay,” sidaa waxa yidhi Cléa Kahn-Sriber oo ah Madaxa Xafiiska Afrka ee Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn.

Cléa Kahn-Sriber waxa uu intaas ku sii daray oo yidhi; “Tani waa bartil-tilmaameed lagu ugaadhsanayo Suxufiyiinta gudanaya waajibka ka saaran inay Wararka tabiyaan. Xukunnadani waa sharci-darro dhinac kasta oo laga eego, waxaanannu ugu baaqaynaa Maxkamadda Hargeysa inay ka laabato Xukunka ay soo saartay.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment