

Waxaana hadalkiisa ka mid ahaa; “Waxaa sharaf weyn noo ah in aanu ku wareejino qalab ciyaareed oo ka kooban kubado, dirayskii lagu ciyaarayey iyo qalabka ee kooxaha labaad ee garoonka Xawaadle oo isaga laftigiisa dhawaan la dayac tiray, laguna furayo tartanka ciyaaraha bisha Ramadan.
Anagu Haddii aanu nahay Jamaacada Alpha waxanu mar kasta u taaganahay in aanu wax la qabano dhalinyarada Mana aha markii Ugu horaysay ee Jamacada Alpha ay dhalinyarada wax tar ka geysato. Waxa malaha lanagu yaqaanay xagga waxbarshada balse in dhaweyd ba waxaanu ku dhaqaaqnay in dhalin yartada reer Somaliland Xaga ciyaaraha aanu wax ka tarno, todobadkii horena waxaanu qalab noocan oo kale ah aanu ku wareejinay gudida ciyaaraha ee garoonka Maxamuud Axmed Cali. ujeeddada aan ka leenahay waxa weeye in aanu ka qeyb qaadano aburitaanka maskax fayow oo dhalin yarada reer Somaliland ay kaga jeedsadaan dhinaca balwadaha,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha.
Waxa kale oo halkaas ka hadlay Gudoomiyaha guddida garoonka Xawaadle Xussen Maxamed Dhalac oo maamulka Jaamacadda uga mahad-celiyey qalabka ciyaaraha ee lagu caawiyey, waxaanu jaamacadaha kale ee caasimadda ku yaala ugu baaqay inay ku deydaan tallaabada ay Alpha ku dhiirri-gelinayso dhalinyarada.
Sidoo kale, guddoomiyaha Ciyaaraha Fudud ee Somaliland Xasan Waraabe Cadde oo isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa ku bogaadiyey maamulka Jaamacadda inay mar kasta oo qalab ciyaareed guddoonsiinayaan inay la socodsiiyaan wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha. Waxaanu guddiga Garoonka Xawaadle ku booriyey inay ilaaliyaan habsami u socodka iyo ilaalinta ammaanka Garoonka muddada uu tartanku ka socdo.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha Maxamed Xussen (Axmed Dhabeeye) oo gebo-gabadii munaasibadda hadal ka jeediyey, ayaa yidhi, “Runtii farxad weyn ayey noo tahay kulankan ay jaamacada Alpha ugu deeqayaso dhalinyarada qabanaysa tartamada Ramadaanta hadii ay tahay kuwii hore iyo kan maantaba. Farxad weyn bay noo tahay wasaarad ahaan waananu soo dhaweynaynaa, aad iyo aadna waanu uga mahad celinaynaa gacanta weyn ee ay siyeen dhalinyarada Somaliland.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey, ”Arrinta ay jaamacada Alpha samaysay kaalin weyn bay u galaysaa dhalinyarada tartanka galaysaa, Xawaadle waxaa u ka mid yahay meelaha ay carruuurtu si wanagsan ugu ciyaarto, waana aanu ugu mahad-naqanayaa guddida iyo dadka hawashaas wadda,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment